WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, Gabay, Talaado,  November 7,  2006

Abwaan
Dailaaf

Gabaygaan hoose waxaa tiriyay Abwaan Dahir Dailaaf waxuuna daba socdaa Gabayadii hore ee laga tiriyay culumada Hargeysa ee sidii ladoono laga yeelo ama beeca noqday oo sidii la rabo laga yeelo, wuxuuna si gaar ah u taabanayaa madaxweeyne Riyaale oo shiikhii hore waxaa ka sii daran kii ka hadlay ayaaba lagu tuuray isna xabsigii, diin la'- aan waa balaayo!!.

Waxaan u duceeynayaa raga maamula Website-yada xaq u dirirka ah waxaana ka codsanayaa inay Gabaygaan faafiyaan.  

Wabillaahi toowfiiq.

Daahir Dailaaf
daahirdailaf_3@hotmail.com
 
 

Gabaygiina waa kan:

Caammo iyo Riyaaloow i maqal    waa cawo aduune
Cirka sare ceeryaamadiyo             caadka nagu waaban
Ciidaan cusleeyniyo badaha           coodka laga buuxshey
Cirifyada aduunyada khalqiga        lacammiree dhooban
Rabbi caadil weeyee isaga             ceeynadaa falaye
Qofkalena ma eey caawinoo          looma ciidamine
In kaligi la caabudo ayaa               waajib ceeyniyahe

Adiguse Riyaaloow cabsiyo          ciso ilaaheeyba
inaaneey cindigaada gelin             waa iska caddaane
intii aadan cibaarada dhacdiyo      cudur lasoo toosin
oo eey cilladdaadu noqon             malag kusoo ceeja
caafimaad intii aad qamtaa           la caqliyeeystaaye
kolhadaad ka cawlato ifkood        geeri u carraawdo
camalkaadii mooyee wax kale      looma ciirsada,e

cafiskana ilaahbaa baxshoo            caadilbaa jira,e
balse ceeynka aad fali wallaan        lagu curdoonaane
waa lagaa cadgooynaa kolleey        dalkaad caasidaye
xaqii ummaddood iska cuni jirtaad  goordhow soo celine
intaad culummo leeydiyo intaad      cuqalo soo duugtey
dumarkiyo carruuraha intaad          cagafyo jiirsiisay
cadaaladda intaad garab martood    jufu dhan ciirjiidey
xaqdarradaad kusoo caanbaxdiyo   cub iyo laaluushka
waa waxa cadaabkii kuridey          doqonyow reer Caade

is cajabi haddii aad rabtoo             caafiye ismoode
haku cawryo duul aan ogoo          goosad caashaqaye
ama caammo dadka kuu xigtoo     cabsan qabiilkiiye
intaad dunida ceeb soo fashiyo      camalladaad yeeshay
waa wax lala cajiibaa haddaan       kuu cabbiro taase
hadaan casharro kuu dhigi lahaa    caraa idhaafsiine
sidii cadawga soomaalibaan          kuu careeysnaha e

culumada hargeeysee dhulkii         lagu ciqaabaayo
ee caadaqaatoow kuxiran             camaqda hooseeysa
waxa loo caddibayaa kolleey        waa cibaadada e
iyo caado xumidiyo xaqeey          kala caddeeyeene
haddii ciidda Somaalilaand           caalim laga dhoowro
yaa nikaaxin hadeey caashaq       labo iscalmadaan maanta

ka idleeyse cuqaal iyo waxgarad  carro waqooyaade
cishoweliba midbaa lala baxaa     lagu casheeyaaye
ood cood uga raadsataan            cadaw shisheeyaahe
yaa nikaaxin hadeey caashaq      labo is calmadaan maanta

darxumodu inteey caagantahay     ooysan camashoonin
oo ciilku wada saaqinbaa              lagu ciyaaraahe
marhadeey xanaaqdooy cuqdiyo   caro lasoo boodo
gardarrada caddaan iyo madoow   cagteey marisaaye
ka carare qaqabqablihii muqdisho calalladoodiiye
Cabdullahyo geedina hadeey        cudur lajiifaane
waa kuwaa ciriiriga galoo             cidina ceeymeeyne
adna ceeynka aad tahay              wallaad ciir ku lulaneeyne

inxaqii kasoo degi cirkii              waa iska caddaane
ardaal iyo ninkii caaq ah iyo        calafla mooyaane
wixii ciin lasoo maray dadwaa     ku cibraqaataaye
naga jooji ciidankaad diriyo        cutubyo beeleedka
kana baqa Casiisbaa jiroo           deeynta kaa celine

 

Afeef:  Allgedo shaqo kuma lahan aragti cabirka suugaan yahanada ama qoraalada dadweynaha ay ku naqdinayaan  hadba mowduucii ay iyagu doortaan.



Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com


 

 

         

 

 

Shir dhinaca Teleefanka ah oo dhex maray (Sh. Maxamed Weli Vs Jaaliyadda Sade...)

Ardada Jaamacadda Minnesota oo hadiyad ciidda fidriga ugu deeqday Agoonta ardada Kismaayo. 


 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com