|
Allgedo News, Isniin, October 23,
2006
Ardada Jaamacadda Minnesota oo
hadiyad ciidda fidriga ugu deeqday Agoonta
ardada Kismaayo.
Si aad u aragto masawirada oo
waa weyn, riix mid ka mid ah masawirada dhinaca
midig ka muuqda ama (masawiro.)
Dhallinyaro wax ka barta jaamacadda Minnesota
ayaa ugu deeqay lacag hadiyad ah 331 arday oo
agoon ah kuwaas oo wax ka barta dugsiyada
magaalada kismaayo munaasabadda ciidul fidriga
awgeed. Deeqdaas wax ku oolka ah waxaa ay u soo
marsiiyeen Hayadda ARAHA (American Relief Agency
for the Horn of Africa), sidoo kale howshaas
fulinteeda waxaa loo xilsaaray Ururka Samafalka
HIRDA (Himilo Relief and Development
Association) oo gacanta ku haya ardada agoonta
ah.
Xaflad si heer sare ah loo
agaasimay ayaa waxaa ay ka dhacay Dugsiga Hoose,
Dhexe iyo Sare ee Juba oo ku yaalla xaafadda
Faanoole ee magaalada Kismaayo, waxaana ka soo
qayb galay carruurta agoonta ah iyo waalidkooda,
dhammaan maamulayaasha iskuulada, macallimiinta
iyo masuuliyiinta daladda waxbarashada kismaayo
ee ururka HIRDA.
Sidoo kale, waxaa xafladdaas goob joog ka
ahaa Khadhiibka Masjidka wayn ee Jaamaca Qadiim
ee magaalada Kismaayo Sheikh Cabdullahi Dawood.
Madaxa Dallada Waxbarashada Kismaayo ahna
xiriiriyaha Mashruuca Agoonta Awees Farah Ali
ayaa guddoonsiiyey 331 Agoon arday ah hadiyad
lacageed oo ay ugu soo deeqeen walaalahood wax
ka barta jaamacadda Minnesota ee cariga
maraykanka, tillaabadaas ay dhallinyarudu
qaadeen waxaa si farxad leh uga mahad celiyey
waalidka iyo dadka carruurta agoonta ah masuulka
ka ah.
Ururka HIRDA oo had
iyo goor u taagan samafalka iyo taakulaynta
Somalida dhibaataysan gaar ahaan carruurta waxaa
uu gacanta ku hayaa una raadinayaa cid kafaala
qaada waxbarashada 331 Arday oo agoon ah oo wax
ka barta 15 dugsi oo ku yaal magaalada kismaayo
((www.hirda.org/orphan.)
Sidaas si la mid ah, illaa 200 oo arday oo agoon
ah oo wax ka barta Baardhere iyo C/waaq ayuu si
buuxda gacanta u hayaa waxbarashadooda. Waxaa
intaas dheer ardada caadiga ah oo kor u
dhaafaysa 2500 arday oo uu ururka HIRDA siiyey
fursad waxbarasho.
Jaaliyada dibadda
iyo dhammaan dadka muslimiinta ah waxaa uu
ururka HIRDA ka codsanayaa in ay ka faala
qaadaan waxbarashada carruurta agoonta ah ood ku
arki kartaan webka HIRDA
www.hirda.org/orphan;
halkaas waxaad ka dooran kartaa agoonka aad
rabto in aad kafaala qaado kadib marka aad
riixdo magaca agoonka kadibna isaga ayaa ku
hagaya waana “Online Database”.
Xiriiriyaha Mashruuca agoonta
Ururka HIRDA
Kismaayo. 23/10/2006
Stichting HIRDA"
<info@hirda.org
|