HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


Allgedo! Ra'yi,
Friday,  February 10,  2006
 

Yuu yahay ayaa yaq-yaqsi leh...!!!"


Qabyaaladdu waa qurun; iyada iyo Qarannimana, si quman uma wada saan-qaadi karaan; Quruumaha horumarayna mar hore ayay qubeen.  Dadku markiisii hore qabiil-qabiil waa uu ahaa, si laysu garto ayuuna ugu tala galay Qaadirku.; Quraanka ayayna ku qoran tahay. Laakiin wuxuu Eebbe caddeeyay oo uu yiri;" Kan idiinku karaama badan Alla agtiis, waa kan  idiinku taqwa( Allah  ka-cabsi ) badan". Nebiga (NNKH), ayaa isaguna yiri;" Dadka waxaa ugu kheyr badan, kan ugu
waxtar badan dadka". Waxaa kaloo uu yiri;" Kan idiinku khayr badani, waa kan barta Quraanka, dadkana sii bara". Waxaa kaloo laga soo weriyay(NNKH);" Dadku waxay u siman yihiin sida Ilkaha Shanlada".
    
Quruumaha horumaray, waxaa ay isku qiimeeyaan, iskuna qaddariyaan; Aqoonta, Akhlaaqda, Wax-soo-saarka, Dadaalka dheeraadka ah, U-adeegidda dadka iyo dalka iwm. Arrintu ma aha annaga ayaa iskeen dadka kale uga sarreyna, oo qaddarin iskeed ah iska mudan. Arrimaha ay Aqoonta iyo Akhlaaqdu ka midka yihiin, baa lagu kala horreeyaa, laguna helaa tixgelin iyo qaddarin dheeraad ah.
Aqoonsiyada, Darajooyinka iyo Dallacaadaha intaba, dadaal iyo in la kasbado, oo sababtood lala yimaado, loona halgamo ayay rabaan, aqbalkana Ilaahey baa leh; "Doonaana, waa uu gaaraa!!".  Haddii si aan sax ahayn lagu helo Darajooyin iyo Dallacaado, waxay horseedaan ficiltan iyo burbur guud. Dawlado badan oo dumay, ayaana taas oo kale eersaday, sida ay taariikhdu qirayso.

Dawladdii "Ummawiyiinta" ee uu xukunkeedu soo jiray 91-ka sannadood( 41 H. ilaa 132 H.), ayaa sababihii ay ciidda Afka u darsatay, waxaa ka mid ahaa;Xukunkii dhaxaltooyada ahaa, oo ay dadka qaarkii yirahdeen;" Annaga ayaa u xaq leh talada", taas oo keentay; inay taladii Waddanka gacanta u gasho madax aan u ehel ahayn, oo aan shakhsiyad-ahaanba masuuliyad ummadeed iyo Qarameed midna aan qaadi karayn; iyo Qabyaaladdii oo baahday, lagu xintamay, ka-dibna la isku fara-saaray.  Aqoon-yahanno xagga Sharciga ah, ayaa waxaan ka dhega-dhegeeyay;"Haddii dad wixii ay xaqa u lahaayeen la duudsiiyo, iyo haddii dad wax aaney xaq u lahayn la siiyo, intaba waa caddaalad-darro".
Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay , oo gar ah; in ruux kastaa la guddoonsiiyo ; jagada uu mudan yahay, leeyahayna; Aqoonteeda, Khibraddeeda iyo Kartideeda, lana og-yahay inuu si daacadnimo ah ugu adeegayo dadkiisa iyo dalkiisaba. Waa dulmi iyo xad-gudub; in ruux masuuliyadda uu mudan yahay gees looga riixo, reerka uu u dhashay awgeed.

Qabiil wax ku qaybsiga loo jideeyay Jagooyinka hoggaaminta iyo Xilalka maamulka dalka, wuxuu dibadda dhigayaa; Aqoon-yahanno badan oo qiima leh, oo uu tacab badan ku soo baxay soo diyaarintooda; wuxuuna xilal ayan mudnayn, oo ayan ka soo bixi karayn u dhiibayaa kuwa aan Aqoon, Karti iyo waaya-aragnimo lagu arag, laguna ogayn; taas oo howlihii dib u dhiska, horumarinta dalka iyo u adeegiddii dadweynahaba fadhiidinaysa. Abwaan Soomaaliyeed oo Aragti dheer  leh  baa yiri;"  Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane!!". Marar badan waxaan is-weydiiyaa su'aal ah;" Wasiir-qabiileedku  yuu wax u qabanayaa ?!!!".  Waa ay muuqataa jawaabta su'aashaas, yaananna la i dhihin;" Afkaaga kala qaad, aan ilkahaaga tiriyee".
    
Waa ay jirtaa, inay Soomaali badani ku soo baraarugayaan "Xumaha Qabyaaladda" iyo inay habboon tahay, in laga xoroobo;" Yuu yahay ?!!!". Wanaag iyo horumar lagu gaari kari waayay "maxaad taqaan ?", laguma gaarayo"yaad taqaan?!!!". Bal idinkuba ila arka; waxaan u soo joogay mar la soo hadal-qaaday ruux masuul ah, kaas oo lagu xantay; Waddaniyad-darro, Aqoon-yari iyo Karti-xumo  oo uu isku darsaday; mid meesha ka dhowaa oo ay isku-heyb yihiin, ayaa la soo booday;" Hebel Beeshiisa ayuu meesha u fadhiyaa, cid ka qaadi kartaana ma jirto".

Haddii aan tusaale ka bixiyo baraarugga dad badan oo Soomaliyeed, nacaybka iyo colaadinta qabyaaladda:- (1) Aqoon-yahanno Soomaaliyeed, oo dhowr ahaa, baa meel ku kulmay, oo bilaabay inay iska wareystaan xaaladda guud ee dalka iyo dadkaba. Waxaa la soo hadal-qaaday shakhsi qiima badan, waxaana loo wada qiray; Aqoon, waddaniyad, karti, dadaal dheeraad ah, dabeecad wanaagsan iyo sifooyin kaleba. Nin sheekada dhexda kala soo qabsaday, bilowgeedii, dulucdeeda iyo ujeeddadeedaba, aanan si fiican ula socon, ayaa wuxuu la soo booday;" Yuu yahay ninku ?!!!", isaga oo ula jeeday "Qabiilkiisa". Waxaa arrin fiican ahayd, in Aqoon-yahannadii sheekada watay, kala qabiilkana  ahaa  oo dhan ay isku mowqif ka istaageen ninkii, iyaga oo wada diidaya, weerta ah;"Yuu yahay ?". Waxay
Aqoon-yahannadii ku kala jawaabeen;"Maxaa looga baahan yahay Cidda uu yahay ?!!!", " Waxaannu ku qiimaynaynaa; Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Soomaalinimadiisa, intaasaana nagu filan", "  Yuu yahay, waa tan meesha na dhigtay, dalka burburisay, dadkana Qaxootiga ka dhigtay". Waxaa lagu wada yaq-yaqsaday " Yuu yahay ?!!!". Waa saadaal wanaagsan oo loo baahan yahay in laga wada sinnaado. Waa Ilays iyo Iftiin ay habboon tahay in uu gaaro; guri, xaafad, tuulo iyo degma kasta oo Soomaaliyeed, si aynu ummadaha horumaray ee Adduunka u higsanno, ka-dibna ula saan-qaadno.(2) Waxaan mar dhexdaas ah goob-joog ka ahaa kulan ay isugu yimaadeen "Aqoon-yahanno Soomaaliyeed"; ujeeddada kulankuna waxay ahayd;"Xaaladda dalka iyo kaalinta Aqoon-yahannada dibadda".  Waxaa kulankii lagu bilaabay in la is-barto. Ruux kastaa waxaa uu sheegayay; magaciisa oo buuxa iyo shaqadiisa, sida; " Hebel-Hebel baa la i yiraahdaa, waxaana aan ahay Injineer ka shaqeeya meel heblaayo". Sidii ay sidaas ugu socotay, ayuu nin ka mid ahaa raggii kulansanaa, buu ereyadii is-barashada raaciyay' Qabiilkiisa iyo weliba Jilibkiisa !!!. Si yaq-yaqsi leh baa loo wada eegay, waxaana loo qaatay inuu ula jeedo " Is-muujin" & " Reer ku faanid", laakin, waxay taasi u kentay oo dhaxalsiisay in lagu yaq-yaqsado, hoosna loo dhugto; taas oo ah tallaabo horay loo qaaday, loona baahan yahay inay sii taranto.
    
Dhibaatadii nagu dhacday, si xal loogu helo darteed, baa Shirweynayaashii  Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta(Jabbuuti) iyo Nbigati( Kenya ) lagu guddoonsaday " 4.5 wax ku-qaybsi", micnaha "Qabiil", ilaa iyo haddana Qabyaalad oo iskeed caqabad ugu ah horumarka bulshooyin badan, ayaa hore looga sii socon kari la'-yahay; iyadoo "4.5  wax ku qaybsi" naftiisu uu yahay gef lagu daray gefaf, oo beelaha qaarkood lagu xaqirayo, la sharciyeeyay, lana siyaasadeeyay. Waxaa habboon inaannu dib uga wada fekerno waddadaas, kuna wada yaq-yaqsanno " Yuu yahay ?!!!"; si aynu u marno waddada saxa ah.
 

-------------oOo------------

Diiwaan-gelinta  Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen
    
Waxaa hadda, ilaa muddo bil ahba ka socda Xarunta dalka Yemen ee Sanca: howlaha Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsi u samaynta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen;  howlahaas oo la  filayo inay muddo aan weli la xaddidin  oo kale sii socon doonto, lagana fulin doono Gobollo kale oo dalka Yemen ah. Howlaha Diiwaan-gelintu waxay isugu jiraan:(1)  Qaxootigii hore u diiwaan-gashanaa oo loo cusboonaysiinayo Waraaqahooda  Aqoonsiga, laba sannadood oo kale..(2) Qaxootiga cusub oo iyaguna la tira-koobayo, la diiwaan-gelinayo, loona samaynayo Waraaqo Aqoonsi( Bidaaqah ), waxaana howshan gacanta  ku haya oo u xilsaaran "Guddi Farsamo", oo isugu jira: UNHCR,Hay'adda Socdaallada iyo Jinsiyadaha, Nabad-sugidda, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Yemen iyo Guddi Odayaal ah oo ka tirsan Qaxootiga Soomaaliyed ee Yemen, oo uu hormuud u yahay : X.Maxamed Cabdalla Miftaax (X.Cabdalla).
    
Safaaradda Soomaaliya ee Sanca, ayaa iyaduna xubin "Wakiil" ah( Manduub ) ku leh howshan, waana: Muxyaddiin M.Kaalmoy, kaas oo kala qayb-qaadanaya Guddiga, habsami u socodsiinta Howsha Diiwaan-gelinta iyo Gacan ka geysashada xal u helidda wixii "Caqabad" ah ee diiwaan-gelinta Qaxootiga iyo habayntooda la xiriira. Arrintani, waxay ka dhalatay, wada-hadallo hore u dhex-maray  Madaxda: Safaaradda Soomaaliyeed ee Sanca,  UNHCR, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee dalka Yemen, ujeeddaduna ahayd: in la iska kaashado " Arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed".
   
Sida la og-yahayna, waxaa dalka Yemen ku sugan, joogtana ugu soo qulqulaya: kumaan-kun Qaxooti Soomaaliyeed iyo Itoobiyaan, kuwaas oo ka soo firdhanaya; Dagaallada sokeeye, darxumada iyo degganaansho-darrida weli ka jirta dalka iyo guud-ahaanba gobolka Geeska Afrika. Iyada oo dhanka kalena, ay muddooyinkii ugu dambaysay ay jireen Cabashooyin iyo Gadood ay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay kaga  cabanayeen: daryeel la'aan iyo Dayac uga imaanayay xagga Xafiiska UNHCR( Laanta qaxootiga ee Qarammada Midoobay ) iyo nolol xumo guud. Waxay - sida marar badan la sheegay - qaxootigu doonayaan; inay UNHCR-tu siiso Qaxootiga Soomaaliyeed Daryeel; la mid ah kan ay helaan qaxootiyada kale ee Adduunka, ama dib-u-dejin loogu sameeyo dal 3-aad oo kale, iyada oo aan isla-markaasna la illoobayn, abaalna looga hayo Dowladda iyo dadka Yamaneed, sida ay laabtooda ugu fureen, una soo dhoweeyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku qasbanaaday inay dalkoodii Soomaaliya ka soo qaxaan.

Kasmo- Sanca...



WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy -kalmoi@hotmail.com-


 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa sare ku qoran yahay.


 

 

allgedo@allgedo.com



 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com