HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! Maanso, Monday  January 23,  2006

Maanso:Damiiryeesha!
W.T: C/khayr Sh. Xasan Sh. Soofe
Ohio, USA

soofe@hotmail.com

Maansadaan la magacbaxday  Damiiryeesha, waxaa curiyay Cabdikhayr Sh. Xasan Sh. Soofe oo deggan magaalada Columbus ee waddanka Maraykanka,ahna arday barta Qaanuunka, kana  mid ah Bulsho-daneeyeyaasha  Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio.  Maansadu waa tii 44aad ee Silsilladda Doodwanaag, waxayna taxanaha ku soo biirtay 28/12/2005.

Maansadu waxay tusaaleyneysaa in ummadaha dunida ay colaado la soo gudboonaadaan, laakiin lagu maareeyo wadahadal iyo is-afgarad si looga hortago colaad daba dheeraata oo aan cidna dani ugu jirin.  Aqoondarrida ayay maansadu ku tilmaantay musiibada ugu wayn ee hurisa colaadaha, taasoo ay lagama maarmaan tahay in xal loo helo oo dadka wax la baro. Waxaa kale oo ay maansadu ka digaysaa kooxaha  danta mooday in ay ka ganacsadaan dhiigga shacbiga walaalaha ah. Waxay maansadu dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigelinaysaa in ay u istaagaan danta ummaddooda iyadoo sidoo kale dadka ku baraarujinaysa lagama maarmaarnnimada in loo noqdo dhulkii hooyo.

 

In colaaddu darantahay

Shay dilaaya ay tahay

Darxumiyo halaag tahay

Dullinnimiyo hoog tahay

Duufaan wax qaadiyo

Abaar lagu dayoobiyo

Dab wax gubaya ay tahay

Abwaannadi daneeyee

Deelleey ku sheegow

Dooddaad biloowdeen

Dareenkay i qaaddoo

Qalbigaa ku diirsaday 

 

Inay nabaddu deeq tahay

Qaran daaficiis iyo

Darisnimo wanaag tahay

Danbaaburo bakhtiis tahay

In la kala danbeeyiyo

Dawladnimadu nolol tahay

Damaashaadku farax yahay

Dalku lama huraanyahay

Abwaannadii daneeyee

Deelleey ku sheegow

Dooddaaad biloowdeen

Dareenkay i qaaddoo

Qalbigaa ku diirsaday.

 

Inkastoo an deel gabay

Maanso dood ah oo furan

Weli daah ka soo rogin

Danna aanay iga galin

Oo aan iskuba dayin

Daacadnimo u hadal iyo

Doodwanaag markay tahay

Xumahoo la diidiyo

Samahoo la dooniyo

Isku duubni wada jira

Kii ay u darantiyo

Nin dan lihi halkiisee

Dibnahayga inan xiro

Dareenkey i siin waa

Dabcigaasna maba lihi

Waxa aanan doorbiday

Diiwaannadaan furan

Suugaantan daabacan

Inaan maanso dahaboo

Sida roob da’eysoo

Same uu ku dihinyahay

Magaceed Damiir yahay

Aniguna ku soo daro

Oon caawa soo diro.

 

Dacaayado raqiisiyo

Damdam iyo xishood li’ i

Uma jeedo deelqaaf

Nin qabyaalad daafaca

Durbaan reer garaacoo

Danta guud an eegayn

Waa wax laga ducaystee

Dib u socodka liitiyo

Midkuu dirhamku howliyo

Kan wahsigu diloodee

Aan waxqabad daneyneyn

Ka da’ weyni saan qabo. 

 

Rabbi ha idin daayoo

Deeq ha idin siiyee

Inkastoo aad dooddii

iyo samo dedaalkii

Inta badan daboosheen  

intay weli dallacantahay

Xaajadu dibbood tahay

Ummadduna dabjoogtahay

Ooy diifi nagu taal

Diin-laaweyaal iyo

Dibutaati beeniyo

Dagaal-oge baas iyo

Inta dowdar taliyee

Danbiiluhu hormuud yahay.

 

Duurjoog sideedii

Dadku intey is  cunayaan

Inta kii danyar ahiyo

Ducufada la iibsado

Dariiqyada isbaraada

Inta lays dabaayoo

Duq sagaashan jira iyo

Lagu baaran diracyada.

 

Dulmi sii cayilayiyo

Intuu kibirku doobbiyi

Xaqii duudsi uu yahay

Rajadii dahsoontahay

Daandaansi nacasnimo

Duullaanki kow yahay

Dooddeennu waa weli ! 

 

Dunidaan dhamaanteed

Dal kastoo ad eegtaba 

Danbi lagama waayoo

Dadku wey islaayaan

Daqar weyska jeexaan

Marna way is dooxaan

Ha yeeshee dabbaalnimo

La iskuma durduriyoo

Dulli lama ahaadee

Dowladaa wax maamula

Dishilbiliin la raaciyo

Dastuur baa u qoranoo

Ciidama diyaariyo

Denbi baarayaal baa

Dulmi kii sameeyiyo

Inta dooxatoo idil

Dullaan ku qaadoo

Deyr adag ku meershoo

Darbigiisu dheeryahay

Ciddii ay dileen iyo

Danbigay galeen baa

Dacwad lagu horkeenaa

Cadli looga doontaa.

 

Kuwaan diin lahaynoo

Aan innagu ku diinnoo

Dabka caabbudaayoo

U sujuuda dibidaa

Xeer kala dabbaaliyo

Sharciyada daneeyoo

Dariiq nabada doortoo

Deggenaan ku nooloo

Dhaqan door leh baa badan.

 

Ummaddeenan dammanoo

Qabiil lagu durduuroo

Jahli lagu dabiiboo

Gabigeed la duufsaday

Xaqoodii la duudsiyey

Jinku uu dardarayee

Danaheedi seegtoo

Caqligii ka dedanyahay

Dawgaaga garo iyo

Hadal kuma damqaysoo

Marna may dabcaysoo

Wixii dhaaxa loo digay

Ama waano loo diray

Daalacanba maysee

Halkii laga duqeeyiyo

Miyirkeedan doorsamay

Side loo daweeyaa?! 

 

Bulshadaan danteedmoog

Jahli baa la dagayoo

Garashadii dabooloo

Dabray oo hoggaanshee

Mar haddii waxow dana

Marna aney damoonayn

Mar haddii waxow daran

U dabbaaldagaysaba

Dayac bey ku sugantee

Dugsi waa in loo furo

Qalinkiyo dawaaddiyo

Waa in buug la doonaa

Cilmi loogu deeqaa

Wali lagu dirqiyo oo

Dulqaad lala yimaadaa. 

 

Dawladdu sideedaba

Dibad kama timaaddee

Dadka oo is doontoo

Daacad isu ahaadoo

Damiir Eebbe siiyoo

Diintii u laabtoo

Beerahooda dooxdoo

Duunyadooda raacdoo

Gaal doora weyne ah

Baryadiisa daayoo

Aan kala dacwoonine

Iyagu is duggaashada

Talo kama danbaysee

Degdeg ma u abbaarraa? 

 

Dibad ruux wareegaa

Doollar iyo daraahiim

Daar kastoo u leeyahay

Isirkoo la duro iyo

Dool baad tahaye guur

Diif kama baxaayee

Damashii harkoodiyo

Durdurrradii xareeddiyo

Halkii laga dagaagey

Si kastoo duruuf tahay

Dani noo tilmaantaye

Ragow doorka maanta ah

Dalkii aan u noqonnoo

Abaalkii dorraad iyo

Dayntii an celinnee

Immisaa diyaar u ah?

 

Dibindaabyadaan iyo

Wixii qarankii dumiyiyo

Qabiilkaan na daashaday

Dilaa weeye halisoo

Daacuunka faafiyo

Sida duumadoo kale

Aan ku dabargo’eynee

Mayska dayrinnaayoo

Waxa mayska diidnaa?

 

Dullaalladan dhargeynee

U daneeyee nacabkeen

Dan ka galin dhashoodee

Danyartii dhacaayee

Deriskii gumaadee

Ehelkii dam siiyee

Doqonnimo ku faanka ah

Waa kooxo diranoo

Qayrkood sida dameeraha

Duudka uu ka rarayoo

Ma wadaan danteennee

Digniin culus ma siinnaa

Daga ma ku niraahnaa?

Mise waxa dagaal iyo

Dirir baan ku kicinnaa? 

 

Waxa  iga dardaarana

Gobonnimadu waa dahab

Waa wax dhiig u datoo

Kumaan geesi loo dilo

Duulkii xushmeeyoo

Calankooda daafaca

Waa duni hormuudkeed

Darajadana waa kow

Waa lagu daydaayoo

Waa laga dambeeyaa

Dayaceedna waa halis

Waa dil aan diyo lahayn

Dullinnimo la qaayibo

Dawarsiyo rafaad iyo

Dihaal ku noolaan

Ninkii taa ka dudayoo

Cisigii dalaaqoo

Cadow soo durkinayiyo

Sharta kii dugsanayow

Kaa danaystay saaxiib

Adigiyo dadnimadaa

Anigana dadaalkey.

 

Waxan dood ku soo xiray

Soomaalaay dareenlaay

Ubadkeeda dubataay

Dumarkeed ma dhowrtoo

Ma daryeesho waayeel

Haddaad dhego dalooloo

Run daneeya leedahay

Diirka aan ka qaadee

Waxa ay dantaa tahay

Wixii dayr la soo maray

Wixii daadsanaa meyd

Wixii guri la dumiyiyo

Wixii duunyo baaba’ay

Dambas meel ku soo haray

Dib inaad u eegtood

Daa’ inkaa u noqotood

Degdeg  towbad keentee

Aakhiraa dambeysoo

Dayuusnimo ma fiicnee

Damiiryeesha waa talo!

 

C/khayr Sh. Xasan Sh. Soofe
Ohio, USA

soofe@hotmail.com


Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
 



allgedo@allgedo.com
 





 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com