HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! News, Saturday,  Dec. 3,  2005

Gobolka Gedo oo loo magacaabay in uu Guddoomiye ka noqdo mudane Xuseen Sh. Abdi Ismaaciil oo ku magac dheer (Xuseen Farey)

Waxaa taariikhdu markii ay aheyd December 1, 2005 xafiiska Ra'isul Wasaaraha DFKM ah ee Soomaaliyeed kasoo baxay Dekereeto loogu magacaabay Guddoomiaya Gobolka Gedo (Governor) Mudane Xuseen Sh. Abdi Ismaaciil oo ku magac dheer (Xuseen Fareey).  Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Dekereetadaas sharciga ah ee kasoo baxday Xafiiska Ra'isul wasaare Cali Maxamed Geedi. 

Dhanka kale, maamulka Allgedo iyo dhamaan shaqaalaha Allgedo waxay soo dhaweynayaan magacaabida Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo, waxaana Ilaah uga baryeynaa in uu howshaas culus la garab galo. 

Waxaan dib idinkaga soo gudbin doonaa haddii uu Rabi idmo taariikh noolaleedkii mudane Xuseen Farey, anaga oo waliba jecel in aan si is dab joog ah idinkugu soo gudbin doono warbixino iyo barnaamijyo ku saabsan magacaabidda Gudoomiyaha Cusub iyo hadba wixii kusoo kordha jagadaas cusub ee loo magacaabay oo aan jecelaan laheyn in ay bulshada Gobolka Gedo si aan kala har laheyn usoo dhaweeyaan si bulshada Gobolka Gedo looga ilaaliyo kala jab iyo isku dhac kale ee dhinaca siyaasadda ah.





allgedo@allgedo.com




 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com