Muqdisho,
Shalay iyo Maanta
By
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social
Development Adviser
Leicester, UK
Marka hore
mahad idilkeed waxa iska leh
Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeeni ayey
korkiis ahaatay.
Kadib
burburki dowladi dhexe ee
Soomaaliya, dhammaan waddanki
waxa ku dhacay bur bur iyo dibu
dhac aan caadi aheyn. Waxa uu
waddanki gacanta u galay kooxo
burcad ah, oo banneystay dhiigii
iyo hantidi shicibka. Waxa ay
dhacayeen, boobayeen,
kufsanayeen, xoog ku haysteen
guryihi iyo dadweynihi
Soomaaliyeed, oo ay uga
faa’ideysteen fursad ay ku
heleen darted. Waxa intaas kaba
sii darnaa Muqdisho oo aheyd
Caasimadii waddanka, oo Soomaali
waxey hanti heysatay ay gelisay
muddadi 30ka sano aheyd ee
xorriyadda la heystay, oo ku
danbeysay arin aan halkan lagu
cabiri karin.
Haddaba
waxaan rabaa inaan qormadeydan
ku eego xaaladda magaalada
Muqdisho sidi ay aheyd muddadii
16ki sano ee uu waddanku dowlad
la’aanta ahaa iyo maanta oo ay
gacanta ku hayaan Maxaakiimta
Islaamiga ah. Wey jiraan
magaalooyin baddan, oo ay
dadkoodii isdaba qabteen oo ay
dhulkoodii dib u dhisteen,
gaarsiiyeyna nabad iyo horumar,
sida Boosaaso, Hargeysa, Burco,
Gaalkacayo, Jowhar iyo Garoowe.
Runtiina horey waa loo tilmaamey
weyna ku ammaanan yihiin.
Muqdisho
waxa ay ka mid aheyd
magaalooyinka geeska Afrika ee
sida aan caadiga aheyn horumarka
u sameeyay muddadi 30ka sano
aheyd ee uu dalku xoriyadda
heystay (1960 – 1990).
Waxa ay aheyd magaaladii uu qof
kasta oo Soomaali ah ku riyoon
jiray, in uu dego ama guri ka
dhisto. Magaaladi heerkaa
mareysay waxa ay gacanta u
gashay niman dagaal oogayaal ah,
oo aan dalka u naxeyn, dadka u
damqaneyn, waxey arkaanna
dhacaya, boobaya, iyaga
dhexdoodana aan heshiineyn,
kaabiyaalki qaranka albaabada u
xiray sida Dekadi weyneyd,
Airportigi, waddooyink waaweynaa
ee magaalada dhex mari jira,
meel walba isbaaro ayey dhigteen,
oo dadka waagii alla keenaba
lagu furan jiray. Waxa dhacday
dad Muqdisho wada joogya inaanay
16kaa sano is arag, nabadgelyo
xumo darteed. Waxaa intaas u
dheer bur burka ku yimid guryihi
dawladda, wasaaradihi,
warshadihi, hoteeladi, dhammaan
hay’adihi dowladda, oo maanta
marka aad aragto sawirkooda
aadan maleysan karin.
Maxakamadaha Islaamiga ah markey
ka guuleysteen nimankaa
Mujrimiinta ah, oo ay gacanta ku
dhigeen magaaladii Muqdisho gebi
ahaanteed, waxa ay durbadiiba
bilaabeen sidi ay wax uga qaban
lahaayeen bur burkaa iyo dhibkaa
faraha baddan ee soo gaaray
dadka iyo dhulkaba. Waxey
judhiiba bilaabeen Ololihi
Nadaafadda magaalada. Waxey
albaabada u fureen Airporki
Caalamiga ahaa, sidoo kale
dekadi weyneyd ee Muqdisho.
Hantidi iyo Guryihi dadka laga
dhacay ayaa inti la garanayay
iyo inti soo dacwooteyba loo
celiyay. Waxaa intaas oo idil ka
muhiimsan Qaadka oo ahaa ibtilo
ummadda Soomaaliyeed loo soo
diray ayey joojiyeen, taasoo
dhaqaale aad u fara baddan, oo
weliba lacag adag ah ayaa maalin
walba dadka iyo dalkaba ka bixi
jirtay. Waxa iyadana arin aad
loogu farxo aheyd sidi ay uga
hadleen arimihi qarniyada baddan
soo jireenka ahaa ee lagu
quursanayay ummadda laguna heyb
sooci jiray dadka laga tiro
baddan yahay.
Haddaba
waxa isweydiin leh, arimahaa aan
kor kusoo sheegnay oo idil
Maxkamaduhu maku aamanan yihiin
mise waxey muddan yihiin in la
cambaareeyo. Run ahaanti maamul
walboo jira, oo isku daya inuu
waxqabto wuu yeelanayaa dhaliilo,
haddana mar walba waxa wanaagsan
qofku wuxuu qabto oo wanaag ah
in laga sheekeeyo oo loo mahad
celiyo. Xadiis ayaan filayaa
inuu oranayay qofki aan dadka u
mahadcelin, Allaahna uma mahad
celiyo. Maxkamduhu waxey qabteen
arimo, ay taariikhdu xusi doonto,
da’yarta danbe looga sheekeen
doono, oo iskuulada loogu qori
doono. Waa wax qof kasta oo
waxgarad ah, oo si joogto ah ula
socday dhacdooyinki Soomaaliya
muddadi bur burka uu ka mahad
celinayo. Laakiin qofka xaqiirka
ah isagu meesha kuma jiro.
Waxa
haddaba in wax laga tilmaamo u
baahan, Maxaa tan xiga?
Run ahaanti haddii aan la helin
Qaran Soomaalyeed, oo
gacan ku dhiga dhammaan dalki oo
dhan, wey adkaan doontaa sidi
wanaagaas ay Maxkamduhu
sameeyeen loo sii ceshan lahaa.
Soomaalidu maanta waxa ay u
baahan yihiin waa dib u
yegleelida Qaran Soomaaliyeed.
Haddaba waxa isweydiin leh sidee
lagu gaari karaa?. Anigu weli
waxaan taaganahay fekirkeygii
hore ee ahaa in ay Miis
wada fariistaan Dowladda kumeel
gaarka ah iyo Maxkamadaha
Islaamiga ah, oo wixi khalad ah
ee jira leyska saxo. Dastuurka u
degsan Dowladda federaalka ah
wixi ka hor imanaya Diinteen
islaamka ah In daaqadda laga
tuuro. Lagu soo kordhiyo wixi
maslaxad u ah dalka iyo diintaba
ee ka maqan. Sababta aan u
leeyahay arintaas, oo aan ugu
dheganahay fikirkeygaas waa
kadib markaan arkay sida ay
Soomaali meel walboo ay joogto
ay ugu dayacan tahay, oo ay dad
baddan qarka u saran yihiin
xitaa inay diintoodii lumiyaan,
oo caruuraheeni ay jeelalka uga
buuxaan, dumarkeeni ay beylah u
noqdeen, dhaliyaradeeni ay
balwaddu la tagtay, guryo iyo
qoysas baddan oo Soomaaliyeed ay
ku bur bureen. Sida kalya aan
isleeyahay wax weyku hagaagi
karaan, waa Soomaali oo gacmaha
isqabsada, culumadeeda,
siyaasiinteeda, aqoonyahankeeda,
oday dhaqameedyada, ganacsato,
haweenka, ciroole iyo waayeel,
dhalinyaro, oo ka qeyb qaata
sidi loosoo celin lahaa qaran
Soomaaliyeed.
Haddaba
hadalkeyga waxaan kusoo
gabagabeynayaa Soomaaliyey
danteenu waxey ku jirtaa inaynu
helno Qaran Soomaaliyeed, oo ay
lafdhabar u tahay diinteen
islaamka ah, ee aynu wadajir u
baadi goobno. Aynu iska deyno
caadifadda qabiilka iyo laab
lakaca beenta ah. Aynu iska
deyno isfiirsiga waqtiga naga
lumiyay. Maxkamadaha waxaan oran
lahaa libintaas aad soo hoyseen
oo ay taariikhda xusi doonto
heyska dayacina ee raadiya qaran
sidi loo heli lahaa. Dowladda
federaalka ahna waxaan oran
lahaa nimaan kuu furi doonin yuu
kuu xirin, ee Soomaali raadiya,
oo ogolaada inaad dalka
gudihiisa ka furtaan shirka
dibuheshiisiinta. Caam ahaan
dadweynaha Soomaaliyeedna waxaan
oran lahaa war haloo duceeyo
dalka in uu Allaah towfiiqda na
waafajiyo, oo ay arimuhu kusoo
gabagaboobaan sida kheyrka uu ku
jiro.
Wax walboo
aan saxay waxey u sugnaatay
Allaah. Wixi aan ku khaldamayna
waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabilaahi Towfiiq.
F.G:
Fariinta uu wato qoraalka sare
ku qoran waxuu gaar u yahay
aragti cabirka qoraha uu
magaciisa kor ku qoran yahay.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|