Marka hore waxaan Tacsiyo u
dirayaa guud ahaan Shacabka
Somaliyeed gaar ahaan eheladii
dhalinyarada lagu xasuuqay
Bu’aale. Waxaan leeyahay Ilaahay
Samir iyo Iimaan had idinka
siiyo ayagana dambi dhaaf iyo
jaanno ha’oogu bedelo dhibkii
loo gaystay.
Dhacdani waa mid fajac iyo
naxdin ku noqotay guud ahaanbo
shacabka taagta daran ee
Somaliyeed. Waa in filan waa ah
markii la eego caqliga saliimka
ah iyo cilmiga (mid Islam iyo
mid kala bo), Waa mid gef ku ah
Diinta Alle (SW) oo aan sal iyo
raad ku lahayn dhaqanka Islaamka
iyo midka Somaliyeed midna. Waa
mid ku salaysan, nacas-nimo,
fulay nimo, jahli, qabiil, iyo
takfiirnimo. Waa dhacdo aan
horay looga baran dagaalladii
Jahliga iyo fitanka ahaa ee
Somali ka dhex-taagnaa abid. Waa
mid ka timid dhan aan marnabo
laga filayn.
Tacsi iyo cambaarayn kadib,
waxaan Shacabka Somaliyeed
xasuusin lahaa in cid kasto oo
aan Alle (SW) ahaynbo qaladanto,
waxaase ugu wanaagsan ciddda
qalad-keeda garwaaqsato ka
xaaltanto. In kasto oo dhacdadu
aysan ahayn mid laga filanayay
Maxaakiimta Islaamka ee laga
quud-darraynayay in ay iyagu
yihiin kuwa bad-baadinayo
shacabka dabaqayana Kittaabka
Alle, ayay hadana tahay tani tii
lagu kala ogaan lahaa waxa ay
dhab ahaantii yihiin Maxaakiimtu,
sidaa darteed waxaan idin
xasuusinayaa dulqaad iyo samir.
Waa su’aale, maxaa kallifay
in ay Maxaakiimtu laayaan rag
dhaawac ah, maxabiis dagaal ah
oo iyaga magan u ahaa in ka
badan 8 maalmood? In kastoo
aysan jirin haba yaraatee wax oo
loogu qiil bixiyo suurta
galnimada dhacdadaan naxariis
darrada ah, hadana ay muhiim
tahay in la baaro waxyaabaha
kalifaay. Waxaan filayaa
dhacdadu in aysan ahayn mid ay
Maxaakiimtu u dhammaayeen, balse
ay fuliyeen kuwo babab khaas ah
ka lahaa oo laga yaabo
ujeedadooduna ay ah salka ku
hayso mid ah qodobada hoos ku
xusan:
Jahligu waa curiyaha koobaad
ee udub-dhexaadka u ah dhibka
maanta Somaliada kala haysta.
Qofku marka uusan aqoon lahayn,
maleh kala doorasho. Balse waxaa
is waydiin mudan, ciidanka
Maxaakiimtu sooma ahayn in ay
aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanbo
dhaamaan kuwii qab-qablayaasha
dagaalka? Ciidamadii
Qab-qablayaasha oo runtii ahaa
kuwo ka jaahilsan kuwa
Maxaakiimta ayaa garan jiray in
ay bad-baadiyaan inta badan
dhaawaca iyo maxaabiista
dagaalka ay kaga qabsadaan
beelaha kale. Maadaama ay taa
jirto, jahliga kaligiis ma noqon
karo sababka loo laayay raggaan.
1) Duubaanno Qabiil
Duubaanno qabiil ayaa waxay
noqon kartaa mid dad badani is
oran karaan waa sabaka loo
dhaawac tiray rag awalbo toodi u
il-darnaa oo ay isugu darsantay
daawac iyo maxbiisnimo. Waa
su’aale, Maxaakiimtu ma qabiil
gooni ah bay ka soo jeedaan?
Dhab ahaantii Maxaakiimtu waa
dad isku dhaf Somaliyeed ah oo
mab-da qura ah ku bahoobay;
balse waxaa dhici kara in
qowlaysato ujeedo qabiil ugu
jira in ay gaysteen dhibkaan.
Dhanka kale, ma ahan mid
dagaalladii qabiilka qudhiisa
lagu yaqiin.In kastoo aan
la’oran karin dhacdani waa mid
ugub ku ah taariikh
qabyaaladeedka Somalida, hadana
waa mid inta badan laga xishoon
jiray oo ceeb ku ahayd ciddii
samaysaa. Sidaa darteed
qabiilkii qudhiisu waxaad
mooddaa in uusan noqon karin
sababka rasmiga ah ee loo laayay
Raggaa.
2) Xag-jir nimo diineed
“Xagjir nimo” “Takfiirnimo”
oo ah dadka la gaalnimo xukmiyo
ayaa ah mid iyana sababi karta
xasuuqa dulmanayaasha.Walow oo
aysan caqiidada rasmiga ah ee
Maxaakiimtu aysan ahayn
xaj-jirnimo iyo Takfiir, hadana
waa laga yaabaa in ay ka mid
yihiin kuwo caadifi xag-jirya
ah, una arka ciddii mar un ka
hor imaaddo Maxaakiimtu in ay
yihiin Gaalo lagu Jahaado, balse
aan garanayn xittaa gaalad
dhaawacoodu xuquuq ku leeyahay
Islamka.
3) Fidnawade iyo
Baas abuur
Maxaakiimta oo ah billow,
waqtina aan u helin in ay kala
shaandheeyaan dadka la
shaqaynaya, iskuna dayaya in ay
adeegsadaan maleeshiyaadkii iyo
shakhsiyaadkii dhibaateeyey
shacabka ayaa waxaa fudud in si
dhib yar uga mid noqdaan kuwa
aan doonayn wanaagga Maxaakiimta,
ujeedada ay ula socdaanna ay
tahay in ay fashiliyaan
dadaalkooda. Dhacdooyinka
noocaan oo kale ah waxay sababi
rakaan in Maxaakiimta loo arko
“Kud Ka Guur oo Qanjo Uguur”.
Shacabka u caal-waayay dhibkii
qab-qablayaashii, oo si
hal-haleel ah kalsoonida u
siiyay Maxaakiimta, ayay
dhacdadaan ku abuuri kartaa
shaki ah in ay Maxaakiimtu
yihiin kuwo ka dhiigya cabsan
Qab-qablayaashii horay u
baabi’iyay. Sidaa dartee, ayaa
waxaa dhici karta in ay
ciidamada Maxaakiimta isku dhex
qarinayaan fidnoola yaal aan
shacabka iyo Maxaakiimta midna u
danaynayn doonayana in aan abid
dhibka laga bixin. Xassuuqqan oo
kale ayay gaysanayaan iyaga oo
isticmaalaya magaca Maxaakiimta,
kadibna dhibki iyo fitankii
waxay raacaysaa Maxaakiimta.
Sabab kastabo ha’ahaatee,
xassuuqu waa dhab waana dhacay,
Maxaakiimtuna way qirteen in ay
iyagu dhibka gaysteen. Shacabkii
u taageersanaa Maxaakiimta in ay
yihiin kuwo caddaalad iyo
daacadnimo wado una adeegayaan
dadka, diinta iyo dalka way
shakiyeen. Mid ka mid ahaa
taageerayaasha waawayn ee
Maxaakiimta tan iyo intii urur
diineedkooda la’aas aasay ayaa
yiri “Meeshii cir laga filaayay
ayay ciir-yaamo ka timid”.
“Innag ma’aanna taageerin qabiil
iyo kuwo dadka xasuuqo midna,
waxaan taageernay waa kitaabka
Alle iyo danaha Shacabka
Somaliyeed, balse dhib kasto
dheeftiisa ayuu leeyahay. Waxaan
dhowraynaa sida ay ula dhaqmaan
raggii falkaan gaystay”. Isaga
oo hadalkii sii wato ayaa wuxuu
yiri “Haday wadeen xaq, waxay
mari wadada xaqqa ah haddii
kalana looba joogo”.
Si kasta bo ha ahaatee,
qaladku waa sunno Rabbaani ah
Maxkamaduhuna macsuum ma’aha,
balse Caddaaladda ayaa ah shayga
Alle u simay guud-ahaanbo uunka
idaylkiis. Waa shayga aan lagu
kala qaddarin boqorka iyo
addoonka, kan la xukumo iyo kan
xukumo, gaalka iyo muslimka,
sheekha iyo shaydaanka, ragga
iyo dumarka, iyo lammaane
idaylkiis. Haddii uu kacdoonkan
yahay mid ku salaysan Shareecada
Islaamka, Hoggaan Cilmi iyo
Caqli u saaxiib ahna leeyahay
waa in ay caddaaladda fuliyaan
ayaga oo tix gelinaya Shareecada
Islaamka, Rabitaanka Shacabka,
Rajada Kacdoonka iyo
Mustaqbalkiisa.
1) Waa in ay ula tacaalaan
gacan-ku dhiigla yaasha iyo cid
kasta oo lug ku leh xassuuqa in
ay yihiin dhiig Islaam qabayaal.
Alle (SW) sida uu yiri “qofkii
ladilaa asaga oo laga gar-daran
yahay, waxaan elelkiisii siinay
awood’e yuusan ku xad-gudbin
dilka”. Sidaa darteed waa in ay
kusoo wareejiyaan gacan ku
dhiigla yaasha ehelkii dadka la
xassuuqay, ka dibna ay kala
doorsiiyaan midda ay ka
samaynayaan seddexda uu Alle
(SW) u ogolaaday:
A) In ay
qisaastaan (Dil toogasha ah)
B) In ay Diyo ka
qaataan
C) iyo in ay iska
cafiyaan
2) Waa in ay ula dhaqmaan in
ay yihiin Fidnoolayaal
marin-habaabinayo ujeedada
Maxaakiimta sharaftoodana
dhaawacay, ama doonayo in ay
fitno ka dhex abuuran
Maxaakiimta iyo shacabka
Somaliyeed. Si loo bad-baadiyo
mansabka iyo ujeedada
Maxaakiimta, waa in la dilaa cid
kasta oo ku lug lahayd
xassuuqaan.
3) Waa in aysan marna ka
leex-leexan qiilna u raadin
gacan ku dhiigla yaasha, habo
ahaadaan kuwa macag iyo mansab
ku dhex lahaa Maxaakiimta
dhexdooda.
Gebogebadii, Maxaakiimta oo
si hal-haleel ah, oo aan kala
har lahayn taageero uga helay
shacbiga Somaliyeed badankiisa
ayaa waxa dhacday in ay ku
kaceen wax aysan xittaa
qab-qablayaashii dagaalku
caadadoodii xumayd ka daran.
Aniga oo tix galinaya nuqsaanta
sunnada Rabbi ah ee Banii-Adanku
ku lamaan, ayaa waxaan ka
dhowrayaa sida ay Maxaakiimtu
Caddaladdooda tahay. In ay
noqdaan kuwa ka daran ama la mid
ah qab-qablayaashii dagaalka oo
aan cidna loo raacan jirin wixii
ay Maleeshiyaadkooda gaystaan,
ama ay noqdaan dad Qaldama
Sharciguna qabto. Taasina waxaa
noo kala cadayn doona hadbo sida
ay ula tacaalaan dhacdadaan.
Ugu dambayntii, waxaa
qoraalkayga ku soo xakamaynayaa,
tix gabay oo uu tiriyay abwaakii
Xaaji Aaden (Af-qallooc.)
-Goortaad
islaaxdaan dadkii kala
ugaaroobay
- Ooo annaanni hartooy
eexasho idlaato
- Annagana addeeco Alleyo
Amaan waajibkii ilaah iyo
- Aayaddii waxaytiri baynu
aqbalaynaaye,
-Haddii kale Ammaana Allee ka
xun tii isha la’ayde”.
Allgedo News Media
Network (ANMN)