WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Monday,  October 16,  2006


Maleeshiyooyin sida la sheegay ka soo goostay Beer-xaano oo ku biiray Maxkamadaha Kismaayo.

Mogadishu- October 16, 2006 Ku dhowaad 46 maleeshiyo ah oo ku hubeysan qoryaha fudud nuucyadooda kala duwan ayaa maanta ku biiray maxkamadaha islaamka magaalada Kismaayo, iyadoo maleeshiyadaasi ay ka mid ahaayeen Isbaheysigii D/jubba ee kal hore laga fara maroojiyay gacan ku heynta magaalada Kismaayo.

Maleeshiyadaan oo uu horkacayay Max'ed C/laahi Aaar Fanax Taliyihii hore ee dhinaca nabadgalyada ugu qeybsanaa Isbaheysigii D/jubba ayaa ku biiritaankooda Maxkamadaha islaamka waxaa maanta loogu sameeyay magaalada Kismaayo xaflad aad u balaaran oo ay ka soo qeybgaleen, odayaal, culuma udiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha islaamka ee magaalada Kismaayo.

Hadalo uu ka jeediyay Munaasabaddaasi taliyaha ayaa waxa uu ku sheegay in uu soo dhaweynayo la shaqeynta maxkamadaha islaamka, isla markaana kooxdiisa ay diyaar u yihiin ka qeybgalka difaaca dalka iyo diinta.

Ma jirto ayuu yiri cid ku qasabtay ku soo biiritaaankiisa ciidamada maxkamadaha islaamka

Sidoo kale waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha islaamka Kismaayo oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin maleeshiyooyinkaan ku soo biiray, iyagoo sheegay in tababaro dhaqan celin ah ay u furi doonaan.

Taliye Aara iyo maleeshiyadiisa ayaa warar waxa ay tilmaamayaan in uu ka soo goostay maleeshiyooyin kale oo ku sugan deegaanka Beer-xaano, kuwaasi oo daacad u ahaa Barre Hiiraale, iyadoo arintaana ay niyad jab ku tahay abaabulada maleeshiyooyinka Barre Hiiraale ay ka wadaan deegaanka Beer-xaano.

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa gacanta ku dhigay magaalada Kismaayo 25 kii bishii la soo dhaafay, iyadoo aanu wax xabad ah ka dhicin magaaladaasi markii uu isaga baxay Col. Barre Hiiraale oo maamulayay magaaladaasi muddo ka badan 7 sano.



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com