WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Monday,  October 16,  2006


Maxkamadaha islaamka oo baaritaan ku haya guryaha magaalada Kismaayo

Mogadishu- October 16, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa baaritaano ku haya guryaha magaalada Kismaayo, iyagoo ku raadjooga hub iyo saanad la sheegay in magaaladaasi uu kaga tagay Col. Barre Hiiraale oo 25 kii bishii la soo dhaafay laga qabsaday magaalada Kismaayo.

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa baaritaano ku haya guryaha ay dagan yihiin taageeraashii Col, barre Hiiraale, iyadoo ilaa 3 baabuur oo kuwa Somalida ay u taqaano Cabdi Bilayaasha la saarto qoryaha lidka diyaaradaha ay kala baxeen guri uu lahaa Col. Axmed Shire.

Ciidamada maxaakiimta islaamka

Inkastoo ay baaritaanadaan ay soconayaan ayaa hadana waxaa jira hanjabaadyo ka soo yeeraya Isbaheysigii laga fara maroojiyay gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo sheegaya in ay ka go’an tahay weerar ay dib ugu qabsadaan magaalada Kismaayo in ay ku soo qaadaan kooxaha maxkamadaha.

Max’ed Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Degmada Ceelwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in ay qorsheynayaan dagaal ka dhan ah maxkamadaha heeysta magaalada Kismaayo, isagoo beeniyay in ay jiraan ciidamo Ethiopian ah oo barbar socda maleeshiyadooda, waxaana uu yiri hadalkaan mar wax laga weydiiyay in ciidamo Ethiopian ah ay la jiraan.

Max’ed Cabdi Kaliil oo ka mid ahaa raggii ka soo qeyb qaatay dagaaladii horey uga dhacay degmada Ceelwaaq ayaa haatan waxa uu ku dhinac yahay Col. Barre Hiiraale.

Degmada Saakow deegaano ka tirsan ayaa abaabulkii ugu darnaa ee maleeshiyooyin ah uu ka jiraa, xilli maxkamadaha islaamka ay iyaguna difaacii ugu adkaa ay ka galeen gobolada Jubooyinka.




Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com