|
|||||
| Allgedo News, Monday, October 16, 2006 | |||||
|
Hadalkaan ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka sheegay Aadan Saransoor oo ah taliye Kooxeed saameyn ku leh magaalada Baydhabo. Saransoor waxa uu sheegay in 24 saac ay ka codsadeen ra’isulwasaaraha iyo xubnaha digil iyo mirifle in la siiyo Gen. Cali Madoobe si uu uga huleelo magaalada Baydhabo, ka dib kulan balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo uu ka soo qeybgalay Ra’isulwasaaraha. Jananka oo shalay soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa isla xalay waxaa xiisadi ay ka buurtay imaatinkiisa gudaha magaalada, iyadoo maleeshiyooyin boqolaal gaaraya ay isku gadaameen guri uu daganaa Jeneraal Cali Madoobe, inkastoo markii dambe la kala qaaday labada ciidan. 24 ka saac
ee loo qabtay Gen. Cali madoobe in uu kaga baxo magaalada Baydhabo ayaa
waxa ay ku soo beegmatay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Jananka
booskiisa lagu badali rabo Col. Cabdi qeybdiid oo ka mid ahaa Isbaheysigii
laga eryay caasimadda Somalia .
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|