|
|||||
| Allgedo News, Monday, October 16, 2006 | |||||
|
Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyay Max’ed Wali Sheekh Axmed oo sheegtay in uu yahay afhayeenka salaadiinta daarood ayaa waxa uu qaatay saacado, iyadoo markii uu soo gabogaboobay uu saxaafadda la hadlay Max’ed Wali. Kulankaan ayuu Sheegay in looga wada hadlay labo qodob oo ku aadan sidii Maxkamadaha islaamka iyo xubnaha beesha Sade ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn dhab ah iyo sidii looga fogaan lahaa dagaal magaalada Kismaayo ku dhex mara beesha Sade iyo Maxkamadaha islaamka. Afhayeenka waxa uu sheegay in kulanka uu ku soo dhamaaday sidii loogu talo galay, iyadoo xubnaha beesha Sade ee kulankaasi ka qeybgalay ay isku raaceen in la taageero maxkamadaha islaamka. Kulan kale oo ay isugu imaanayaan maxkamadaha iyo xubnaha beesha sade ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku qabsoomo magaalada Kismaayo. Kulankaan
ayaa ku soo beegmay xilli Maanta maleeshiyooyin la sheegay in ay ka soo
goosteen dhanka Beerxaano ay soo biiraan Maxkamadaha maamula magaalada
Kismaayo.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|