|
|||||
| Allgedo News, Monday, October 16, 2006 | |||||
|
Boqolaal
dad ah oo ka tirsan dadka reer Buur-hakaba oo wata boorar ay ku qoran
yihiin halku dhigyo ka dhan ah ciidamada Ethiopia ee la sheegay in ay
ku sugan yihiin gobolada Baay iyo Bakool ayaa siugu soo baxay fagaare
ku yaala magaalada Buur-hakaba, Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale waxa ay ka soo horjeedeen fara galintii dhowaan ciidamada Ethiopia ay ku sameeyeen degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay. Culuma udiin iyo wax garad ka hadlay dibadbaxaaasi ayaa waxa ay hadaladooda diiradda ku saareen sida ay uga soo horjeedaan ciidamada Ethipia ee ku sugan gudaha Somalia, iyagoo sheegay . Waxa ay qalad iyo gardarro aan geed loogu soo gamban ku tilmaameen soo galitaanka ciidamada Ethiopia gaar ahaan magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay. Sidoo kale waxa ay cambaareeyeen dowladda KMG ah ee Somalia xilka qaadistii ay ku sameysay wasiiradda haweenka iyo qoyska Fowsiyo Max’ed Sheekh oo ay sheegeen in markii ay ka hadashay fikirkeeda ay kaga soo horjeedo ciidamo Ethiopian ah uu ra’isulwasaare Geedi xilka qaadi suu ku sameeyay. Babaanaxaan
ayaa ah kii ugu weynee ee ka dhaca degmada Buur-hakaba tan iyo markii
dowladda KMG ah ee Somalia ay saldhigatay magaalada Baydhabo ee xarnta
gobolka Baay 26 kii bishii Feberaayo ee sanadkaan.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|