|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 17, 2006 | |||||
| Afhayeenka wafuudii Maxkamadaha islaamka ee kal hore tagay magaalada Khartoum Sheekh Daahir Max’uud Geelle ayaa warbaahinta ka sheegay in wafuud ka socota Maxkamadaha islaamka ay tagayaan magaalada Baydhabo si loo abuuro jawi kalsooni ka hor inta aanu qabsoomin wada hadalada Khartoum ee lagu balansan yahay 30 ka bishaan in ay qabsoomaan. “ Waanu tagi doonaa iyaguna waa ay inoo imaan doonaan” ayuu ku celceliyay Sheekh Daahir oo rajo ka muujiyay qabsoomida wada hadalada Khartoum ee Dowladda iyo Maxkamadaha islaamka. Sheekha mar wax laga weydiiyay sida ay ku tagi karaan Baydhabo xilligaan oo xiisado adag ay u dhaxeeyaan Maxkamadaha iyo dowladda ayuu yiri waanu ku soo heshiinay in wafuudyo labada dhinac ah ay kala tagaan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Waxa uu tilmaamay in marka ay tagaan magaalada Baydhabo, ka dib dowladuna ay iyadua wafuud u soo direyso magaalada Khartoum. Hadalka Mas’uulkaan
ayaa ku soo beegmay, maalmo ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia
Shariif Xasan Sheekh Aadan uu dhowaan iska casilay jagadii wada xaajoodka
maxkamadaha islaamka, ka dib markii war qad uu qorey Ra’isulwasaare
Geedi uu ku sheegay in aysan jirin cid uga wakiilka ah dolwadda wada hadalo
lala galo maxkamadaha islaamka.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|