|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 17, 2006 | |||||
| Kulankaan oo qaatey saacado ayaa waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii dhinaca maxkamadaha ee ka qeybgashay Sheekh Yuusuf Indho Cadde oo madax ka ah waaxda amaanka maxkamadaha iyo waliba Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah K/xigeenka halka dhanka ciidamada qalabka ay soo xaadireen ilaa 10 saraakiil. Madaxa amaanka golaha maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Indho Cadde oo suxufiyinta la hadlay kulankaasi, ka dib ayaa waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sida iyo golaha Maxkamadaha islaamka ay isku raaceen in laga difaaco dalka waxa uu ugu yeeray Ethiopian si sharci darro ah ku soo galay gudaha Somalia. Qodobo dhowr ah oo labada dhinac ay isku raaceen ayaa waxaa ka mid ah in Maxkamadaha islaamka iyo ciidamada xoogga oo kaashanaya shacbiga ay u istaagaan difaaca dalka iyo diinta, in caalamka ay ugu baaqayaan in dowladda Ethiopia uu culeys ku saaro in ay isaga baxdo gudah Somalia, In maxkamadaha islaamka ay diyaar u yihiin wada hadalada Shirka Khartoum ee 30 ka bishaan. Dhinaca saraakiishii Ciidamada xoogga dalka ee kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid Ahaa Col. Axmed Xaashi Food- Cadde oo sheegay in ciidamada xoogga ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan Maxkamadaha islaamka sidii loo difaaci lahaa dalka. Dhamaan saraakiishii ka hadashay ayaa waxa ay balan qaadeen in ay ka qeyb qaadan doonaan difaaca dalka iyo diinta. Kulankaan
ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamo ka
tirsan dowladda Ethiopia ay soo galeen gudaha Somalia, inkastoo dowladda
Ethiopoia ay iska fogeysay arinkaasi.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|