WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Talaado,  October 17,  2006


Odayaasha iyo waxgaradka beesha Sade ayaa markii ugu horeysay cambaareeyay falka lagula kacay Gen Cali Madoobe

Mogadishu- October 17, 2006 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Sade ayaa markii ugu horeysay cambaareeyay hadalada loo soo jeediyay Gen. Cali Madoobe ee ahaa in 24 saac gudahood uu uga baxo magaalada Baydhabo.

Kulan balaaran oo odayaasha beesha sade ay ku yeesheen degmada Baardheere ayaa waxa ay ku cambaareeyeen hadaladii ka soo reeyay Aadan Saran soor ee ahaa in Cali Madoobe uu isaga baxo magaalada Baydhabo.

Afhayeen u hadlay odayaasha beesha Sade, laguna magacaabo Faarax Hirre Guhaad ayaa waxa uu si kulul u weeraray Ra’isulwasaaraha Somalia Cali Geedi oo uu ku tilmaamay mid aan dhex dhexaad ka aheyn arimaha u dhaxeeya Cali Madoobe iyo Aadan Saransoor, isagoo ku eedeeyay in Ra’isulwasaare Geedi uu ka dambeeyo shaqaaqada ka taagan magaalada Baydhabo.

Hadalka Afhayeenkaan ayaa ku soo beegmay ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Taliyaha ciidamada Booliska Somalia Gen. Cali Madoobe loo qabtay in uu kaga baxo magaalada Baydhabo muddo 24 saac., inkastoo mudadii loo qabtay ay ku keyda maanta, ayaa hadana Cali Madoobe uu ku adkeystay in uu joogayo Baydhabo.



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com