WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Isniin ,  October 30,  2006
Odayaasha beesha Sade oo si kulul u cambaareeyay falkii lagu xasuuqay 4 nin oo dhaawac ahaan loogu daweynayay Isbitalka Bu’aale.

Mogadishu- October 30, 2006 Kulan magaalada Kismaayo ay isugu yimaadeen maanta odayaasha iyo salaadiinta beesha Sade ayaa waxa ay ku cambaareeyeen fal dhowaan maleeshiyooyin hubeysan ay xasuuq ugu geeysteen Isbitalka Bu’aale qaar ka mid ah maleeshiyooyinkii Barre Hiiraale ee ku dhaawacmay dagaalkii Bu’aale.

Odayaasha iyo Salaadiinta Beesha Sade oo maanta kulan balaaran isugu yimid magaalada Kismaayo ayaa waxa ay uga hadleen falkii maleeshiyo beeleedyop ay ku qaarjiyeen ilaa 4 ka mid ah maleeshiyooyinkii Barre Hiiraale oo dhaawac ahaan u yiilay Isbital ku yaala magaalada Bu’aale.

“Waa wax aan horey loo arag in dad dhaawac ah la sii dhameystiro” ayuu yiri afhayeen u hadlay odayaasha beesha Sade oo lagu magacaabo C/warsame Gurux oo odayaashu ay u saarteen in saxaafadda uu ula hadlo ka dib kulankooda.

Cabdi Gurux ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado isla markaana aan horey loo arkin falkani, isagoo tusaale u soo qaatay Dagaaladii USC ee uu hogaaminayay Gen. Ceydiid in ay dhacday xilligaasi ilaa 300 oo ciidamo ka soo jeeda Beesha Mareexaan in ay isku dhiibeen xoogaggii uu horkacayay Gen. Ceydiid, isla markaana uu si nabdoon oo walaalnimo ah uu u soo saaray diyaarado uu ku keenay degmooyin ay ka mid tahay Baardheere. Iyo B/xaawo

Odayaashii kulankaan ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Ma’ed Bashiir Madoobe Yaroow iyo salaadiin kale oo ka soo jeeda beesha Sade.

Kulankaan ayaa ku soo beegmay wax yar ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dil loogu geeystay magaalada Bu’aale 4 ka mid ah maleeshiyooyinkii Barre Hiiraale oo dhaawac ahaan loogu daweynayay Isbital ku yaala magaaladaasi.


Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com