|
|||||
| Allgedo News, Talaado , October 31, 2006 | |||||
| Banaanbaxyo
ka dhan ah falkii lagu xasuuqay 4 ka mid ah ciidamada Barre Hiiraale oo
ka dhacay Caabudwaaq. Mogadishu- October 31, 2006 Banaanbax ka dhan ah falkii dhowaan ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka ay xasuuq ugu geeysteen maleeshiyooyin dhaawac ahaa oo yiilay Isbitalka magaalada Bu’aale ayaa maanta ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Boqolaal dad ah oo watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ka dhan ah ciidamada Maxkamadaha islaamka ayaa soco ku maray wadooyinka qaar ee magalaada Caabudwaaqo, xilli roobab ka da’ay magaaladaasi ay biyo dhigeen. Isku soo baxayaasha ayaa isugu soo uruuray meel fagaaro ah, iyadoo halkaasi uu hadalo uu ka jeediyay Col. Isaaq nin ku soo gaabshay magaciisa oo si weyn ugu weeraray qudbadihiisa golaha Maxkamadaha islaamka oo ciidamo kuwoodaa dad dhaawac ahaa ku laayay Isbitalka Bu’aale. “ Waa fal aan horey loo arkin isla markaana wax laga xumaado ah falkii ciidamada Maxkamadaha ay ki dileen dad dhaawacyo ah” ayuu yiri Colonelkaasi. Banaanbaxaan ayaa ku soo idlaaday sidii loogu talo galay, iyadoo dibadbaxayaasha ay ku gubeen banaanbaxaasi cimaamadaha ay wataan ciidamada Maxkamadaha oo baraha cad leh. Waa banaanbixii ugu horreeyay ee lagu cambaareeyay falkii lagu dhameystirey dhowaan ciidamo ka dhaawacmay Barre Hiiraale oo lagu daweynayay Isbitalka magaalada Bu;aale.ee ka dhaca gudaha dalka Somalia. Maalamaha
soo socda ayaa la filayaa in dibadbaxyo ceenkaan oo kale ah ay ka dhacaan
K/Somalia.
Xafiiska
Muqdisho |
|||||
|
|