WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Talaado,  October 17,  2006


Ciidamada Barre Hiiraale iyo kuwa Maxkamadaha islaamka oo qarka isku saaran

Mogadishu- October 17, 2006 Ilaa konton meeyo baabuurta dagaalka ah oo uu wato Col. Barre Hiiraale oo ka soo dhaqaaqay tuulada Naaquuda ee degmada Saakow ayaa ku soo jiheysan magalaada Bu’aale oo difaac weyn ay kaga jiraan ciidamada maxkamadaha, iyadoo laga cabsi qabo dagaal dhex mara saacadaha soo socda.

Maleeshiyadaan oo maalmihii ugu dambeeyay isku uruursanayay deegaano ka tirsan degmada Saakow ayaa saakay waxa ay u soo ruuqaansadeen dhinaca degmada Bu’aale, iyagoo ku sii jiheysan magaalada Kismaayo, waxaana Su’aale ay ka taagan tahay sidii ay u mari lahaayeen ciidamada maxkamadaha ee difaaca kaga jira degmada Bu’aale.

Warar lagu kalsoonaan karo oo shabakada allgedo.com ay ka heshay degaanka Salagle ayaa waxa ay tilmaamayaan in ku dhowaad kontomeeyo baabuurta dagaalka ah oo ay weyhliyaan kuwa xamuulka oo sida rasaas ay ka soo gudbeen halkaasi, iyagoo u soo jiheystay dhinaca degmada Bu’aale.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Maxkamadaha islaamka iyo kuwa Barre Hiiraale ay isku jiraan masaafo dhan 50 KM, iyadoo laga cabsi qabo saacadaha soo socda in dagaal uu ka qaxro degmada Bu’aale, iyadoo dagaalkii qarxaba uu saameyn ku yeelanayo K/Somalia.

Dadka qaadaa dhiga xiisadaha ayaa waxa ay sheegayaan in hadii dagaal uu ka dhaco K/Somalia ay dhici karto in kumanaan ruux oo hadda gaajeysan ay geeriyoodaan. Halka kumanaan dad ahna ay ku barakici karaan.


Dhinaca kale ciidamada Maxkamadaha islaamka ee ku sugan nawaaxiga Bu’aale ayaa heegan weyn la galiyay, iyadoo difaac adag kaga jira weerar kasta oo ka ga yimaada dhinaca ciidamada Barre Hiiraale.




Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com