|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 17, 2006 | |||||
|
Arimahaan ayaa waxa ay soo baxeen ka dib markii Maxkamadaha islaamka ay dhowaan shaaciyeen in ciidamo Ethiipian ah ay duulaan ku soo yihiin gobolada ay maamulaan maxkamadaha islaamka Somalia Gawaarida dagaalka ee Maxkamadaha islaamka ayaa wararku sheegayaan in ay sii dhaafeen degmada Wanlaweyn, iyagoo ku sii jeeda deegaanka Leego oo sida la sheegay ay kaga sii gudbayaan degmada Buur-hakaba oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin deegaanka ah oo taabacsan maxaakiimta. Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Bu’aale ayaa sheegaya in Col, Barre Hiiraale iyo ciidamo fara badan uu wato ay u soo jirsadeen degnadaasi ilaa 5 KM, iyadoo ay suurto gal tahay in ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa dowladda ay fooda is-daraan sida allgedo.com ay u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo. Col, Barre
Hiiraale iyo xoogaggiisa ayaa maanta ka soo gudbay degmada Saakow, iyadoo
laga cabsi qabo saacadaha soo socda in dagaal qaraar uu ku dhex maro halkaasi
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|