|
||||||||
| Allgedo News, Khamiis , November 02, 2006 | ||||||||
| Ciidama
xoogga dalka iyo kuwa Booliska oo la midoobay xoogagga Maxkamadaha Mogadishu- November 02, 2006 Guuto ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo cutub ka mid ah ciidamada booliska Somalia ayaa si toos ah ugu biiray Maxkamadaha islaamka, ka dib munaasabado maanta ka kala dhacay xarunta xisbiga iyo dugsiga booliska Soomaaliyeed.
Hal guuto
oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku biiryay Maxkamadaha
islaamka, iyadoo tirada ciidamadaasi lagu qiyaasay 1000 askari oo gaado
ka ciyaar ku soo bandhigay xarunta xisbiga, iyagoo salaamo ka qaatay hogaanka
sare ee golaha maxaakiimta islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale
munaasabad ka dhacday dugsiga booliska ayaa ku dhowaad ilaa 400 oo ciidamadii
hore ee booliska ay ku biireen maxkamadaha islaamka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxa golaha fulinta maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu sheegay in dalka Somalia ay joogaan ciidamo cadow ah loona baahan yahay in laga hortago. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Yuusuf Indho cadde oo sheegay in ciidamada booliska iyo kuwa militariga ee maanta ku biiray maxkamadaha ay ku xuquuq noqon doonaan kuwa maxkamadaha islaamka. Si kastaba
ha haaate ku soo biiritaanka ciidamada militariga iyo kuwa booliska ee
golaha Maxkamadaha islaamka ayaa ku soo beegmay xilli laga cabsi qabo
dagaalo ka qarxa gobolada Baay iyo Bakool.
Xafiiska
Muqdisho |
||||||||
|
|