|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 17, 2006 | |||||
|
Boqolaal dad ah ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaalada Xarardheere, kuwaasi oo ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka, oo ku aadan lacago cashuuro ah oo maanta halkaasi ay ku soo rogeen Maxkamadaha. Dibadbaxaan ayaa markii uu socday qadaro yar waxa uu isku badalay rabshado, iyadoo ciidamada Maxkamadaha islaamka ay kala eryeen dibadbaxayaashii. Ilaa 7 ka mid ah ganacsatada magaalada Xarardheere oo uu ku jiro ganacsade Max’ed Cabdulle Tuuryare ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo caawana magaaladaasi lagu soo rogay Bandow bilaabanaya 9ka habeenimo.
Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa horaantii bishii August gacanta ku dhigey
degmada xarardheere, iyadoo wax dagaal ah aanu halkaasi ak dicing, iyadoo
degmadaasi xeebaheeda ay saldhiyo u ahaan jirtay kooxaha burcad badeedyada.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|