WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Arbaco ,  October 18,  2006


Hay’adda Q.M u qaabilsan Qaxootiga oo malaayiin dollar u dalabtay qaxootiga Somaliyeed ee ku sii qulqulaya Kenya

Mogadishu- October 18, 2006 Hay’adda Q.M u qaabilsan qaxootiga ayaa lacago malaayiin dollar ah u dalabtay oo loogu gurmanayo qaxoootiga Soomaaliyeed ee ku sii qulqulaya dalka Kenya xilli xiisado colaadeed ay la ciireyso K/Somalia.

Ilaa 35 Milyan oo doolar ayay hay’adda Q.M u qaabilsan Qaxootiga ay u dalabtay qaxootiga Somaliyeed ee ku sii qulqulaya dalka Kenya.

Hay’addu waxa ay bayaan ay soo saartay ay ku sheegtay in ay sii kordhayaan qulqulka qaxootiga Somalia ee galaya dalka Kenya, iyadoo tirada qaxootiga ee sanadkaan kaliya gashay dalka Kenya ay ay gaareyso ilaa 34 kun oo ruux.

Dadkaan ayay hay’addu sheegtay in ay ka soo carareen xiisadaha iyo cabsida dagaal ee ka taagan gobolada Jubooyinka ee K/Somalia.

Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Kenya ay sheegtay in loo baahan yahay gargaar lala soo gaaro qaxootiga Somalida ee jooga dalkeeda.

Dalka Somalia oo aanu ka jirin dowlada waxtar leh muddo 16 sano ah ayaa iminka qarka u saaran in uu dib ugu laabto dagaaladii sokeeye ee laga soo gudbay, iyadoo hadii taasi ay dhacdo uu qasaaraha ka sii badanayo.

 




Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com