WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Arbaco ,  October 18,  2006

Xoogagga Maxkamadaha islaamka oo ku soo dhawaaday Buur-hakaba

Mogadishu- October 18, 2006 Ciidamo ka tirsan Maxkamadda islaamiga Albayaan oo hoostagta Midowga Maxkamadaha Somalia ayaa waxa ay gaareen deegaano ku dhow dhow degmada Buur-hakaba oo ay maamulaan maleeshiyooyin taabacsan maxaakiimta islaamka.

In ka badan 35 baabuurta dagaalka ah oo ay saaran yihiin ciidamo aad u fara badan ayaa gaaray deegaanka Qardho, kuwaasi oo la tilmaamay in ay kaabiga ku hayaan degmada Buur-hakaba.

Laakiin Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha islaamka ayaa gudaha u galay magaalada Buur-hakaba, kuwaasi oo aan wadan wax baabuurta dagaalka, halkaasi oo ay kulamo kula soo yeesheen horjoogayaasha maleeshiyooyinka deegaanka oo taabacsna Maxkamadaha islaamka, inkastoo aan la ogeyn si rasmi ah waxyaabaha ka soo baxay kulamadooda.

Ciidamadaan Maxkamadaha islaamka ee ku sii siqaya Buur-hakaba ayaa ujeedkooda uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen suurto galnimada weerar ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay ku soo qaadaan halkaasi.

 



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com