|
|||||
| Allgedo News, Arbaco , October 18, 2006 | |||||
| Dadka
qaar oo ka qaxaya Bu’aale iyo Hay’adaha samafalka oo isaga
baxay halkaasi Ilo wareed ku sugan magaalada Bu’aale ayaa allgedo.com u sheegay in magaaladaasi laga dareemayo xiisado dagaal oo ba’an, iyadoo ciidamada maxkamadaha ee jooga halkaasi la galiyay heegankii ugu sareeyay. Ka bixitaanka hay’adaha samafalka ee magaalada Bu’aale ayaa waxa ay timid ka dib markii magaalada Bu’aale ay ku soo dhawaadeen maleeshiyooyinkii Col. Barre Hiiraale, iyadoo laga cabsi qabo dagaalo lagu hoobto oo dhex mara labada dhinac. Boqolaal qoysas ah oo ilmo gacanta ku sita ayaa lagu arkayay deegaano ku dhow dhow magaalada Bu’aale kuwaasi oo ku jiheysan magaalooyin kale oo nabdoon. Si kastaba ha ahaatee gobolada Jubbooyinka ee K/Somalia ayaa waxa ay la ciirayaan colaado iyo dagaalo sokeey, iyadoo haddii dagaal uu ka dhaco halkaasi uu ka dhalan karo qasaarihii nafeed ee ugu ba’anaa 16 kii sano ee la soo dhaafay.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|