WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Sabti ,  November 11,  2006
Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay kulankii xalay ee dowlada iyo maxkamadaha

Mogadishu- November 11, 2006 Kulankii xalay ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamanka Somalia iyo Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay ka soo saareen 7 qodob oo ay ciwaan uga dhigeen War murtiyeed, iyadoo kulankooda xalay uu ku aadanaa sidii loo sii wada lahaa wada hadalada dowladda iyo maxkamadaha, xilli mas’uuliyiinta Baydhabo joogta ay si weyn uga soo horjeedaan howlaha gudoomiyaha baarlamanka uu ka wado caasimadda.


Kulankaan oo ahaa mid qaatey saacado ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan 10 mudane oo ay ku jiraan haween, waxaana saxaafadda u aqriyay war murtiyeedka Madaxa waaxda amuuraha dibadda ee maxkamadaha Prof. Ibraahim Caddow/.

War murtiyeed ka soo baxay kulankii xalay ayaa waxa uu u qornaa sidaan

Ka dib markii kulan ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta golaha maxaakiimta islaamka Somalia iyo xubnaha Baarlamanka KMG ah ee uu horkacayo gudoomiyaha baarlamanka Somalia Shariif xasan Sheekh Aadan taariihkhdu markii ay aheyd 9/11/2006 waxa ay labada dhinac isku waafaqeen qodobada soo socda.

1. in la sii wado geedi socodka wada hadalada labada dhinac ee lagu balansan yahay magalaada Khartoum ee dalka Suudaan, wada hadaladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaamacadda Carabta iyo dowladda Suudaan.
2. waxa ay labada dhinac isla garteen in la damiyo colaadda hadda dalka ka taagan, lagana hortago wax alle iyo waxii colaad keeni kara.
3. in la dhowr lana dhaqan galiyo dhamaan qodobadii heshiisyadii Khartoum ee taariikhdoodu kal aheyd 22/6/2006, 4/9/2006 .
4. in laga daayo arimaha Somalia fara galin shisheeye, lana dhiiri galiyo wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, loona dhaafo Somalida in arimahooda xalistaan.
5. labada dhinac waxa ay ka dalbadeen beesha caalamka (UN ) in aan la qaadin xayiraada hubka ee saaran Somalia, maadaama amaanka Somalia intiisa badan uu hagaagay, bad iyo bariba, taasoo hadii la qaado ay keeni karto dagaalo lagu hoobto oo saameeya mandiqadda oo idin.
6. in la ilaaliyo jiritaanka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
7. labada dhinaca waxa ay u mahad celinayaan dowladda Kenya iyo shacabkeeda deris-wanaaga iyo daryeelka qaxootiga Soomaaliyeed.


Dhinaca Baarlamanka waxaa u saxiixy heshiiskaan Col. Cumar Xaashi, iyadoo maxkamadaha islaamka uu u saxiixay Sheekh Abubar imaani oo ah k/xigeenka madaxa golaha shuurada

 

 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com