WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Sabti ,  November 11,  2006
Wafuud ka socota dowladda Kenya oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho

Mogadishu- November 11, 2006 Wafdi Kenyan ah ayaa maanta lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan caaismadda Somalia, iyadoo qaban qaabo loogu jiro soo dhaweynta wafuudaasi ay ka socoto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wafdigaan oo aan la shaacin tiradooda ayaa ka socda dowladda Kenya, waxaana ujeedkooda uu yahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada hadalada nabadda ee dowladda iyo maxkamadaha islaamka.

Wafdigaan ayaa kulamo la qaadan doona maxkamadaha islaamka, iyagoo ka wada hadlaya sidii loo dardar galin lahaa wada hadalada nabadda iyo dowladda.

Dowladda Kenya ayaa iyadu cadeynin mowqifkeeda ku wajahan arimaha Somalia, iyadoo dowladda Kenya ay ka mid tahay dalalka u ololeynaya in Somalia la keeno ciidamo shisheeye.

 

 

 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com