|
|||||
| Allgedo News, Sabti , November 11, 2006 | |||||
| Maxkamadaha
oo soo saaaray wareegto lagu mamanuucayo Isticmaalka sigaarka iyo qaadka
ee Jubooyinka. Mogadishu- November 11, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa gabi ahaan mamnuucay ka ganacsiga sigaarka iyo qaadka iyo waliba isticmaalkooda gobolada jubbooyinka ee Somalia, ka dib banaanbaxyo lagu taageerayo arinkaasi oo shalay ka dhacay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo. Maxkamadaha islaamka ee jubbooyinka ayaa wareegto ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen isticmaalka sigaarka, qaadka, qamiriga, xashiishka iyo waliba nuucyada kala duwan ee maandooriyaha. Wareegtadaan ayaa shalay waxaa meel fagaaro ah oo ay isugu soo baxeen kumanaan dad ah ka aqriyay madaxa garsoorka ee gobolada Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan. Waxa uu sheegay in cidii lagu arka isticmaalka waxyaabaha lla mamnuucay ay la kulmi doonto ciqaab waafaqsan shareecada islaamka. Sidoo kale Gaadiidka lagu keeno muqaadaraadkaan ayuu sheegay in ay wajihi doonaan ganaax lacageed oo gaaraya 5 milyan iyo hal bil oo xariga ah. Arintaan
ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka ka ganacsada qaadka iyo sigaarka oo
ay soo wajaheyso dhibaatooyin iyo hoos u dhac ku yimaada ganacsigooda.
Xafiiska
Muqdisho |
|||||
|
|