WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Sabti ,  November 11,  2006
Uganda oo sheegtay in ciidamada ay keeneyso Somalia ah ahaan doonaan kuwo soo celiya amaanka

Mogadishu- November 11, 2006 Xukuumadda Uganda ayaa waxa ay sheegtay in ay diyaarisay guuto ka mid ah ciidamadeeda oo ay u direyso gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo caawinaya dowladda taagta daran ee Baydhabo, iyadoo xukuumadda Kampala ay hor dhigtay baarlamanka dalkeeda qorshaha ciidamo ay ugu direyso Somalia.

Wasiirka gaashaan dhigga dolwada Uganda haweeneyda la yiraahdo Mrs Ruth Nankabirwa oo ragga wararka fidiya waxa ay kula hadashay magaalada Kampala, iyadoo sheegtay in ay diyaar yihiin ciidamadii la geyn lahaa dalka Somalia, waxaana ay sheegtay in ciidamadaasi ay u soo dhaqaaqi doonaan dhinaca dalka Somalia marka ogolaasho laga helo baarlamanka Uganda iyo waliba Q.M oo cuno qabateynta ka qaada dalka Somalia.

Ciidamadaan Ugandes ka ah ee la keenayo Somalia ayaa waxa ay howshoodu ahaan doontaa sida ah sheegtay Ruth Nankabirwa kuwo uun soo celinaya amaanka iyo kala dambeynta, isla markaana gacan ku siinaya dowladda in ay qabsato dhamaan gobolada dalka.

Mar wax laga weydiiyay mucaarado badan oo ka dhan ah ciidamo shisheeye oo la geeyo Somalia ayaa waxa ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ogol ciidamada dalalka Sudan iyo Uganda, waxaana dadk taageersin arinkaasi lagu qiyaasaa 70% .


Laakiin Modowga maxkamadaha islaamka ee heeysta inta badan Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia ayaa ka biyo diidsan keenista ciidamo shisheeye oo la keeno Somalia, iyagoo wacad ku maray jihaad iyo dagaalo ay kala hortagayaan ciidamada shisheeye.

 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com