WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Sabti ,  November 11,  2006
Maxkamad kale oo islaami ah oo laga furey Magaalada Galkacyo

Mogadishu- November 11, 2006 Maxkamadii labaad oo hoostageysa Midowga maxaakiimta islaamka Somalia ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Galkacyo, xilli howl-galo ay wadaan gudiga difaaca iyo ka hortagga maxkamadaha ee Puntland.

Maxkamadani cusub oo maanta lagaga dhawaaqay K/magaalada Galkacyo ayaa loogu magac daray Maxkamada islaamiga Nasrudiin, iyadoo gudoomiye looga dhigay Sheekh C/laahi Siyaad Kherre.
Hadal kooban uu saxaafadda siiyay Gudoomiyaha maxkamadani Cusub ayaa waxa uu ku sheegay in maxkamda Nasrudiin ay la jaan qaadi doonto Midowga maxkamadaha islaamka Somalia.

Maxkamadani ayaa ah tii labaad oo lagaga dhawaaqo magaalada Galkacyo, iyadoo horey Maxkamad ay leeyihiin Beesha Cumar Max’uud looga dhawaaqay w/magaalada Galkacyo.

Kulan dhowaan ay isugu yimaadeen Beesha Naciidyahan oo ka mid ah beelaha dega magaalada galkacyo ayaa waxa ay ku taageereen maxkamadaha islaamka, iyagoona sheegay in maxkamad islaami ah ay dhowaan sameysan doonaan.

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli guddiga difaaca iyo ka hortagga maxkamadaha ee Puntland uu howl-galo ka dhan ah wadaadada uu ka wado gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.



 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com