|
|||||
| Allgedo News, Axad, November 12, 2006 | |||||
| Xoogagga
maxkamadaha islaamka oo la wareegay deegaano dhowr ah oo ku dhow magaalada
Galkacyo Mogadishu- November 12, 2006 Xoogagga Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bandiiradleey iyo tuulooyin kale oo fariisimo u ahaan jirtey Ciidamo taabacsan Col. Cabdi qeybdiid iyo ciidamada Puntland, ka dib dagaal faraha looga gudbtay oo saakay ka qarxay deegaanka Bandiiradleey oo 60 km u jira magaalada Galkacyo. Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu geeystay qasaaro naf iyo maalba leh oo ilaa iyo haatan si rasmi ah aan loo ogeyn cadadkooda. Laakiin
maxkamadaha islaamka ayaa waxa ay sheegteen in labo ka mid ah askartooda
ay ku geeriyootay dagaalka, kuwaasi oo lopo qaaday dhinaca magaalada Cadaado
iyo dhaawacyo aysan tiradooda cayimin. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Cabdi Qeybdiid iyo maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaan, inkastoo ciidamo badan ooPuntland ah la soo dhoobay magaalada Galkacyo oo kaabiga ay ku hayaan maxkamadaha islaamka. “ Waxaanu ku guuleysanay in aynu dhinaca Ethiopia u riixno xooggagii Cabdi Qeybdiid iyo Puntland” ayuu yiri Cago weyne oo intaasi ku daray in ay ku si qayaan magaalada Galkacyo. Dagaalkaan
ayaa hadii uu sii socdo waxaa suurto gal ah in uu ku fido ilaa gobolada
Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay looga dhawaaqayay maxkamado taabacsan
midowga maxkamadaha islaamka.
Xafiiska
Muqdisho |
|||||
|
|