|
|||||
| Allgedo News, Axad, November 12, 2006 | |||||
| Kenya
oo diyaaradaheeda ka mamnuucday in ay u soo duulaan Somalia Mogadishu- November 12, 2006 Dowladda Kenya ayaa gabi ahaanba mamnuucday diyaaradaheeda in ay u soo duulaan dhinaca dalka Somalia, xilli dhaq dhaqaaq ciidamada mareykanka ay ka wadana xuduudaha gobolka W/bari Kenya. Xukuumadda Nairobi ayaa waxa ay sheegtay in ay joojisay duulimaadyadii diyaaradaheeda ay ku soo aadi jireen dalka Somalia, iyadoo sababtana ay ku sheegtay cabsi laga qabo xagga amaanka. Kenya ma aysan sheegin xilliga ay ku egtahay manuuca ay ku soo rogtay diyaaradaheeda, inkastoo arinkaasi uu yahay talaabooyin dhaawaci kara dhaq dhaqaaqyda ganacsi ee u dhaxeeya Kenya iyo Somalia. Arintaan ayaa waxa ay si gaar ah u saameyn kartaa ganacsatada qaadka ka soo dhoofin jirey Kenya ee keensa jirey Somalia. Hadaba manuuca
Kenya ay diyaaradaheeda ku soo rogtay in ay u duulaan dhinaca dalka Somalia
ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada Mariiniska Mareykanka ay dhaq dhaqaaqyo
ka wadaan gobolka w/bari Kenya ee xuduuda Somalia.
Xafiiska
Muqdisho |
|||||
|
|