WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  November 12,  2006
Boqolaal qoys oo ku xayiran magaalada B/weyne iyo Roobab ka da’ay Baardheere

Mogadishu- November 12, 2006 ku dhowaad 300 oo qoys ayaa ku xaniban magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, ka dib markii wabiga uu si daran ugu fatahay magaaladaasi, xilli aanu jirin wax gargaar ah oo hay’adaha samaflka ay la gaareen halkaasi.

Xaafadaha Kooshin, xawo Taako iyo xaafado kale ayaa lagu soo waramayaa in fatahaada wabiga ay si weyn u saameysay, iyadoo aanu jirin wado ama meel barri ah oo dadku ay ku socdaan, markii meelkasta ay biyo soo galeen.

Inkastoo uu soconayo gurmad dadkaasi lagu soo daadgureynayo oo doomo la soo saarayo ayaa hadana qasaaraha fatahaada wabiga ay tahay mid marba markasta ka sii dareysa, iyadoo roobab xoogana ay wali ka da’ayaan gobolada koonfurta iyo baratamaha Somalia.

Fatahaadaha wabiga Shabelle ayaa waxa ay geeysteen qasaaro ba’an, iyadoo uu yaraaday isu socodka gaadiidka gobolada dhexe iyo caasimadda ka dib markii wadada ay ka go’day inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad oo biyo ay soo buuixyeen.

Dhinaca kale roobab xoogan ayaa waxa ay ka da’een degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo roobabkaasi ay geeysteen qasaaro badan.

Roobabkaan oo dhigay wadooyinka magaalada ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda qasaaraha rasmiga ah ee ay geeysteen. Roobabkaasi.;



 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com