WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  November 12,  2006
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo saacadaha soo socda ka dagaya Baydhabo

Mogadishu- November 12, 2006 Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafuud la socota ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka soo dagaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay oo haatan ay ka soconeyso qaban qaabo loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud ka kala tirsan labada gole ee dowladda, kuwaasi oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta madaxaweynaha Somalia oo maanta la filayo in uu soo gaaro magaaladaasi.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka soo kictami doona dalka yemen, iyadoo intii uu ku sugnaa magaalada Sanca ee dalka Yemen waxa uu kulamo la qaatay madaxweynaha dalkaasi Cali Cabdalle saalax oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku aadan sidii loo sii wadi lahaa wada hadalada nabadda ee kooxaha somalida.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa markii uu soo gaaro baydhabo waxa uu kaga war bixin doonaa xubnaha dowladiisa safaradii uu ku soo bixiyay dalalka China, Singapore iyo yemen.

Madaxweynaha Somalia ayaa la filayaa in hadalo uu ka soo saaro heshiiska Shariif Xasan uu Muqdisho kula galay golaha maxkamadaha islaamka.




 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com