WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  November 12,  2006
Faahfaahin ku aadan qasaaraha dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Bandiiradleey

Mogadishu- November 12, 2006 Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Bandiiradleey ee gobolka Mudug, iyadoo labada dhina uu ku eedeynayo midba midka kale in dagaalka uu ku soo qaaday, waxaana maxkamadaha islaamka ay sheegteen in maxaabiis iyo gawaari dagaal ay ku qabsadeen dagaalka

Xaaladda Degaanka bandiiradley iyo nawaaxigeeda oo saakay aroortii dagaalo culus uu ku dhex maray Ciidamada golaha maxaakiimta iyo maleeshiyadda Cornel Cabdi Xasan Cawaalle qeybdiid oo taageero ka helaya ciidamada Puntland. Ayaa cakiran walia, iyadoo ay jiraan is rasaaseyn goos goos ah oo wali labada dhinac ay isku ridayaan.

Qasaaraha dagaalkii saakay ayaa waxaa la tilmaamay in 10 ruux ay ku nafwaayeen halka tiro labatameeyo ahna uu dhaawac ka soo gaaray sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee magaalooyinka Cadaado iyo Galkacyo oo dhaawacyada la kala geeyay. iyadoo dagaalka saakay uu ahaa mid labada dhinaca ay isku riiqeen, inkastoo maxkamadaha islaamka ay sheegteen in 22 maxbuus, 5 gawaari dagaal, 2 taanki oo ay leeyihiin Puntland ay ku qansadeen dagaalkaasi sida uu saxaafadda u sheegay madaxa warfaafinta golaha maxaakiimta islaamka Sheekh C/raxiim Cali Muudey.

C/raxiim Muudey waxa uu ku edeeyay dagaaladii ka dhacay Degaanka Bandiiradley iney ku lug lahaayeen Ciidamo Puntland iyo kuwa Ethiopiaa ah,taasoo marqaati ah labada taangi ee laga soo qabsaday Bandiiradley oo ku dhegan caalamada Ciidamada Ethiopia waa sida uu yiriye.

Laakiin wasiirka warfafainta maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku sheegay arinkaasi, isagoo sheegay in ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi qeybdiid ay dib u qabsadeen deeegaanadii laga qabsaday saakay, isagoo beeniyay in wax gaadiid dagaal ah laga qabsaday ciidamada Puntland.




 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com