WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  November 12,  2006
Cadde Muuse oo ay la socdaan 50 baabuurta dagaalka oo gaaray Galkacyo.

Mogadishu- November 12, 2006 Ciidamo Tiro badan oo uu horkacayo Cadde Muuse Xirsi ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo si ay u kaabaan ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo kuwa Puntland ee saakay la dagaalamay xoogagga maxkamadaha islaamka.

Wararka naga soo gaaraya magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland Cade Muuse oo wata Ciidamo iyo gaadiidka dagaal oo fara badan ay soo gaareen Mag. Gaalkacyo,isla markaana doonaya in dagaal Rogaal celin ah ku soo qaadaan degaanka Bandiilradley oo ay dagaal ay kula wareegeen xoogaga maxaakiimta islaamka.

Degaanka Bandiiradley oo 70 km dhinaca koonfur kaga beega magaalada gaalkacyo ayaa mudooyinkii la dhaafay waxa ay fariisin u ahayd maleeshiyo taabacsan Cornel Cabdi Qeyndiid iyo kuwa Reer Puntland ah oo si weyn uga soo horjeeday in maxaakiimta ay tagaan magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug oo dhawaan lagaga dhawaaqay maxaakiimta islaamiga.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaya dagaaladii laga filayay gobolka Baay oo fariisin u ah dowlada in ay u weecdeen dhinaca maamulka Puntland.




 



Xafiiska Muqdisho
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com