|
|||||
| Allgedo News, Axad, November 12, 2006 | |||||
| Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Baydhabo Mogadishu- November 12, 2006 Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay, xilli xoogagga maxkamadaha islaamka ay ku gadaaman yihiin magaaladaasi. Madaxweynaha Somalia oo ka soo kictamay maanta magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa galabta dib ugu soo laabtay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Baydhabo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Somalia ayaa socdaalo ku soo maray dalalka Yemen, China iyo Singapore, iyadoo Madaxweynaha Somalia uu lugtii ugu dambeeyay soo mariyay dalka yemen oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax. Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in shir Jaraa’id uu kga hadkayo socdaalkiisa uu ku qabto magaalada Baydhabo, iyadoo amaanka magaaladaasi si weyn loo adkeeyay caawa.
Xafiiska
Muqdisho |
|||||
|
|