WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Khamiis ,  October 19,  2006

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo qaatey kulan gaar ah

Mogadishu- October 19, 2006 Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kulan albaabada u laaban waxa uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya, Muwai Kipaki oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku aadan isbadaladii ugu dambeeyay ee Somalia.

Kulankaan oo loo diiday suxufiyiinta in ay ka qeybgalaan ayaa warar ku dhow dhow waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Kenya uu kala hadlay Madaxweynaha Somalia sidii uu uga qeybgali lahaa kulanka magaalada Khartoum ee dalka Sudan iyo waliba ka qeybgalka kulanka kooxda xiriirka Somalia oo maanta ka furmay magaalada Nairobi.

Lama oga in Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed uu ka aqbalay Madaxweynaha Kenya soo jeedintiisa, inkastoo kulanka labada dhinac uu wali socdo ayaa hadana waxa uu ku soo beegmay xilli dhowaan la filayo in magaalada Khartoum ay isku arkaan wafuuda dowladda iyo Maxkamadaha islaamka.

 

 

 



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com