WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Khamiis ,  October 19,  2006

Danjire Cabdi Warsame oo sheegay in dagaal mooyee aanu wax kale uga saari doonin Maxkamadaha gobolada Jubooyinka

Mogadishu- October 19, 2006 Danjire Cabdi shire Warsame oo adeer u ah Col. Barre Hiiraale ayaa ka dhawaajiyay in dagaal mooyee aanu wax kale uga saari doonin maxkamadaha islaamka gobolada Jubooyinka, isagoo ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in wada xaajoodyo ay u socdaan Barre Hiiraale iyo Maxkamadaha islaamka.


Danjire Cabdi Warsame ayaa hadalkani ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Muqdisho, xilli uu sheegay in uu ku sugan yahay duleedka degmada Bu’aale.

“ ma joojin doono abaabulada dagaal ee ka dhan ka ah maxkamadaha islaamka tan iyo inta ay joogaan gobolada Jubooyinka” ayuu yiri Danjire Cabdi Warsame oo ku tilmaamay maxkamadaha islaamka in ay yihiin kuwo doonaya in ay xoog ku qabsadaan dalka oo dhan isla markaana ay caburiyaan dadka.
Danjire Warsame ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha islaamka in ay si sharci darro ag ugu soo duuleen gobolada Jubooyinka, isagoo sheegay in aanu loo dulqaadan doonin.

Danjire Cabdi Shire ayaa waxa uu sheegay in ay ku jiraan diyaar garowgii ugu weynaa oo ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay ka saari doonaan maxkamadaha islaamka.
Danjire Cabdi shire ayaa ku eedeeyay Gudoomiye k/xigeenkii Isbaheysiga D/jubba in uu gacanta u galiyay magaaladaasi ciidamada maxkamadaha islaamka, isagoo yiri “ si xeeladeysan ayaanu kaga soo baxnay Kismaayo, ee xoog noolagama soo saarin, haatana waanu ku laabaneynaa”.

Hadalka coloneelka ayaa ku soo beegmay xilli cabsi weyn laga qabo dagaalo lagu hoobto oo gobolada Jubooyinka ku dhex mara Maxkaadaha islaamka iyo isbaheysiga Barre Hiiraale

 

 



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com