WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Khamiis ,  October 19,  2006

War deg deg ah
Iska horimaad hubeysan oo dhex maray Xoogagga Maxaakiimta islaamka iyo kuwa Barre Hiiraale


Mogadishu- October 19, 2006 Ciidamo sahan ah oo ku socda lugta sida la sheegay kana kala tirsan maxkamadaha islaamka iyo xoogag u daacad ah Barrre hiiraale ayaa maanta iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray duleedka magaalada Bu’aale sida ay sheegayaan warar madax banaan oo laga helay deegaanka Salagle.

Iska horimaadka dhex maray labada dhinac ayaa waxa ay isku adeegsadeen hubka fudud nuucyadiisa kala duwan, iyadoo aan la tilmaamin wax baabuurta dagaalka ah oo la isku adeegsaday.

Ilaa iyo hadda ma cadda qasaaraha dhabta ah ee dagaalka dhex maray labada dhinac, inkastoo la sheegay in ciidamo lug ku socda oo sahan ahaan uu u soo dirsaday Barre Hiiraale ay isku dhaceen kuwo kale oo iyaguna sahan u ahaa maxkamadaha islaamka.

Waa markii ugu horeysay oo maxkamadaha islaamka iyo isbaheysiga Barre Hiiraale ay ku dagaalamaan duleedka Bu’aale.

Magaalada Bu’aale ayaa waxaa ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay, barakac kii ugu balaarnaa, iyadoo shalay halkaasi ay isaga baxeen hay’adahii samafalka.

Barre Hiiraale ayaa isbuucyadii la soo dhaafay tan iyo markii lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo waxa uu ku gudo jirey is abaabul iyo isku hub uruursi, isagoo taageero weyn ka helay qaar ka mid ah beeshiisa

 

 



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com