WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Khamiis ,  October 19,  2006

Madaxweynaha Somalia oo dacwado ka dhan ah Maxkamadaha u gudbiyay kooxda xiriirka caalamiga.

Mogadishu- October 19, 2006 Madaxweynaha Somalia ayaa hadalo iyo qoraalo kulul oo ka dhan ah Maxaakiimta islaamka u gudbiyay kooxda xiriirka caalamiga oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Nuqul ka mid ah qoraalkaan oo ay heshay Wakaaladda wararka AP ayaa Madaxweynaha Somalia uu ku sheegay in halis uu ku jiro qabsoomida wada hadalada Khartoum oo uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn qaabka ay u wado J/carabta. Isagoo ku baaqay in wada hadaladaasi lagu soo wareejiyo ururka IGAD.

Madaxweynaha Somalia oo qoraalkiisa uu ka aqriyay madasha kulanka wasiirka amuuraha dibadda Somalia ayaa waxa uu ku sheegay in ilaa 33 nin ay maxkamadaha islaamka u tababareen in ay qaarjiyaan xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Somalia, RW Geedi iyo 16 sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG ah.

Madaxweyne Yuusuf waxa uu sheegay in hayaan cadeymo muujinaya arinkaasi, isagoo sheegay in ay jiraan qorshayaal Maxkamadaha islaamka ay ku qaarjin rabaan xubno kale oo ka tirsan dowladda oo ay ku tilmaameen gaalo., iyadoo Maxkamadaha ay tababareen ragg dilaayaal ah oo shirqoolkaasi fulinaya.

Qoraalkaan uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Somalia oo ay heshay wakaaladda wararka AP, ayaa waxa uu ahaa mid u eg dawacdo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka, inkastoo hadaladaasi aysan jirin jawaabo ay ka bixiyeen Maxkamadaha islaamka.

Kulanka kooxda xiriirka caalamiga ayaa waxaa ka qeybgalay Jendayi Frazer oo ah haweeneyda wasaaradda amuuraha dibadda u qaabilsan Mareykanka, iyadoo furitaankii kulanka uu hadalo ka jeediyay wasiirka amuuraha dibadda Kenya rafaell Tuju.

Kulankaan ayaa ku soo beegmay xilli K/Somalia ay la ciireyso dagaalo sokeey oo ka qarxa

 

 



Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com