|
|||||
| Allgedo News, Khamiis , October 19, 2006 | |||||
| Dhimasho
iyo dhaawaca badan oo ka dhashay iska horimaad ka dhacay duleedka Kismaayo
Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa wadada ka soo qaaday gaari xamuul ah oo sida la sheegay ka yimid dhinaca degmada Ceelwaaq, ka dib markii ay kooxihii burcadda ahaa ay carareen, inakstoo aan la soo sheegin wax ay horey u sii dhaceen. Gaarigaan ay leedahay shirkadda Dahabshiil ayaa waxaa la tilmaamay in saakay uu ka ambabxaay magaalada Kismaayo, isagoo lacago u sida laanta shirkadda ay ku leedahay magaalada Afmadow, iyadoo markii uu soo laabtay gaariga isagoo marayay inta u dhaxeysa Buulo gaduud iyo Janaay cabdalle ay kooxo hubeysan tacshiirado la beegsadeen. Meydka iyo dhaawaca ayaa waxaa la keenay magaalada Kismaayo, iyadoo isla galabta sida la tilmaamayo la aasay meydkii halka kuwii dhaawaca ahaana lagu dabiibayo isbitalka magaalada Kismaayo. Kooxihii falkani geeystay ayaa waxaa la tilmaamay in ay u baxsadeen dhinaca deegaanka Beerxaanpo oo la sheegay in halkaasi ay joogaan maleeshiyooyin daacad u ah Barre Hiiraale.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|