WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Jimco ,  October 20,  2006

Maxkamadaha islaamka oo taageero ka helay dariiqada culumada suufiyada sidii loo difaaci lahaa dalka.

Mogadishu- October 20, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ee la wareegay inta badan awooda K/Somalia ayaa waxa ay kulmo la qaateen culuma udiinka dariiqada Suufiyada, kulamadaasi oo ku aadanaa sidii looga hortagi lahaa cadow sida la sheegay kaabiga ku haya dalka Somalia.

Xubno ka tirsan culuma udiinka Dariiqada Sufiyada iyo Mas’uuliyiinta maxaakiimta islaamka Somalia ayaa waxa ay isku raaceen in loo istaago difaaca dalka iyo diinta, ka dib kulan balaaran oo xalay ka dhacay Hotel peace ee caasimadda Somalia.

Gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay culumada dariiqada suufiyada in ay kala qeyb qaataan Maxaakiimta difaaca dalka iyo diinta.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay iminka heleen guulow wanaagsan oo loo baaha yahay in la ilaalo isla markaana aan la fashilin.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in sababah ay ugu yeereen Culumada dariiqada in ay tahay sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen ilaalinta guulaha nabadeed ee la gaaray.

Dariiqada culumada Suufiyada ayaa waxa ay sheegeen in ay kala qeybq aadanayaan Maxkamadaha islaamka Somalia ka difaacidda dalka cadow kasta oo soo weerara.

Culuma udiinka dariiqada suufiyada ee ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh max’uud Ow-vabdulle Cariif, Sheekh Soomow, Sheekh Muuse Cadde, Sheekh cali xaaji iyo culuma kale oo fara badan.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa ujeedadiiisa ay aheyd sidii Maxkamadaha islaamka ay taageero uga heli lahaayeen culuma udiinka dariiqada suufiyada ee shacbiyada ku leh gudaha dalka somalia.

Kulankaan ayaa ku soo beegmay xilli laga cabsi qabo dagaalo lagu hoobto oo ka dhaca K/Somalia,

 


Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com