|
|||||
| Allgedo News, Jimco , October 20, 2006 | |||||
| Maamul
goboleedka Puntland oo hadalo kulul ka soo saaray culuma udiin reer Puntland
oo jooga Muqdisho. Ninka xagga warfaafinta ugu qeybsan maamulka Puntland C/raxmaan Bangax ayaa ragga wararka fidiya u sheegay in culuma uduunka reer Puntland ee jooga magaalada Muqdisho aysan matalin reer Puntland, isla markaana danahooda gaar ka ah u joogaan Muqdisho. C/raxmaan Bangax waxa uu sheegay in culumadani ay Muqdisho u joogaan howlo iyaga u gaar ah oo uu ku tilmaamay in ay tahay salaan salaan. “ Anagu culumadeyna waa ay joogaan, waana ay inala shaqeeyaan, laakiin maba ogi Culuma Puntland mataleysa oo joogta Muqdisho, waana ay dhici kartaa in ay jiraan culumo salaan salaan u tagay halkaasi”. Ayuu hadaladiisa sii raaciyay. Hadalka Mas’uulkaan
ayaa ku soo beegmay xilli Dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaareen culuma
udiin fara badan oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo wacad ku maray in
ku dhaqanka shareecada islaamka ay ku soo dabaalayaan gobolada Puntland,
ka dib markii ay arkeen is badal dhab ah oo wax ku ool ah oo ka dhashay
caasimadda.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|