|
|||||
| Allgedo News, Jimco , October 20, 2006 | |||||
| Xukuumadda
FKMG Somalia oo shuruudo ku xirtey ka qeybgalka kulanka magaalada Khartoum
Dowladda KMg ah ee Somalia ayaa waxa ay sheegtay in marnaba aanu la fariisan doonin Maxaakiimta islaamka Somalia inta ay ku jiraan gobalada Jubooyinka. Wasiirka arimaha dibadda Somalia Ismaciil Hurre Buubaa ayaa hadalkani u sheegay suxufiyiinta magaalada Nairobi, isagoo tilmaamay in marnaba aanu wafuud ka socota dowladda aysan ka qeybgali doonin wada hadalada Khartoum, inta Maxkamadaha islaamka ay dib kaga laabanayaan gobolada jubooyinka. “ Waa macquul in aanu tagno shirka Khartoum hadii Maxkamadaha islaamka ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho, laakiin inta ay joogaan ma jiro wax wada hadal ah” ayuu yiri Buubaa. Ismaciil Hurre Buubaa ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha islaamka in ay wadaa qorshayaal ay dhul balaarsi ku sameynayaan. Arintaan
ayaa ku soo beegmatay xilli la hadal hayo cabsi dagaal ka dhaca Jubooyinka
oo dhex mara Maxkamadaha islaamka iyo xoogagga Barre Hiiraale oo gadaal
ay ka soo riixayaan dowladaha Ethiopia iyo Somalia.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|