|
|||||
| Allgedo News, Jimco , October 20, 2006 | |||||
| Maxkamadaha
islaamka Somalia ayaa gacanta ku dhigey dad Ethiopian ah Maxaakiimta islaamka Somalia ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen labo nin oo Ethipian ah, iyadoo arinkaasina uu ka hadlay Gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif. Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ragga la qabtay laga helay decument ku qoran afka xabashida iyo aqoonsi ah iyo calaamado muujinaya in ay ka soo jeedaan dalka Ethiopia, inkastoo wali ay socdaan su’aalo weydiimo ku saabsan sababta iyo qaabka ay ku soo galeen gudaha Somalia. Waxa uu Guddoomiyuhu tusey wariyaha BBC-da warqado aqoonsi oo uu sheegey in ay leeyihiin dadka la qabtey. Waxana wariyaha BBC-du sheegey in waraaqahaas aqoonsiga ay ka muuqdeen sumadda ay Itoobiya caanka ku tahey iyo weliba far xabashi ku qoran. Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in Males Zenawi uu ciidamo u soo direy gudaha Somalia, arinkaasina uu shalay qirtay, ayna u daliil tahay dadka maanta aanu qabanay. Sheekh Shariif
ayaa waxa uu sheegay in mar ay noqotada ay xiri doonaan xuduudaha Somalia
ay la leedahay Ethiopia, isagoo sheegay in aysan jirin duulaan ay ku qaadaan
Ethiopia, uuna diyaar u yahay in darisnimo iyo walaalnimo lagu wada noolaado.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|