WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Jimco ,  October 20,  2006

Sheekh Xasan daahir Aweys oo lagu eedeeyay uu ku saxiixan yahay qoraalkii lagu amarayay in lagu qaarjiyo 16 xubnood oo ka mid ah dowladda.

Mogadishu- October 20, 2006 Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Gudoomiyaha golaha shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku saxiixan yahay warqadii shalay ee aheyd in Maxkamadaha islaamka ay qorsheynayaan in ay ka taqlusaan ilaa 16 ka mid ah xubnaha dowladda oo ay ku jiraan RW Geedi iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Wasiirka amuuraha dibadda Somalia Ismaciil Hurre Buubaa ayaa waxa uu sheegay in warqadda ay shalay u gudbiyeen kooxda xiriirka caalamiga uu hoosta kaga saxiixnaa Sheekh Xasan Daahir Aweys, iyadoo dowladda KMG ah ay ka gaabsatay in faahfaahin ay ka bixiso qaabkii ay u heleen.

Buubaa waxa uu sheegay in warqdaasi qoraal lagu xusay uu ahaa in laga taqluso ilaa 16 ka mid ah xukuumadda Somalia oo uu ku jiro RW Geedi iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Maxkamadaha islaamka ay ku eedeeyaan in ay u janjeeraan dhinaca Ethiopia.

Hadalka Buubaa ayaa ku soo beegmay xilli Gudoomiyaha golaha shuurada Maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Xasan Daahir Aweys uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib safar dhowr cesho qaatay oo uu ku tagay dalka Sacuudiga.

Sheekh xasan Daahir Aweys oo suxufiyiinta ay isku dayday in ay wax ka weydiiso eedeymaha ka soo yeeraya dowladda ayaanu suuro galin in la helo Sheekha oo la tilmaamay in uu daalan yahay.


Shalay ayuu Madaxweynanaha Somalia qoraalkani ka hor aqriyay kooxda xiriirka Somalia oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyadoo madaxweyne C/.laahi Yuusuf uu sheegay in ilaa 33 nin ay Maxkamadaha u tababareen in ay kaga taqlusaan xubnaha dowladda.

Madaxweynaha Somalia ayaa ku tilmaamay maxkamadaha islaamka in ay halis ku yihiin amaanka gobolka geeska afrika, si taasi looga badbaadana waxaa muhiim ah in la taageero dowladeyda ayuu yiri Madaxweynaha.


 

 


Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com