|
|||||
| Allgedo News, Jimco , October 20, 2006 | |||||
|
Madaxweynaha
Somalia iyo wafuudii Maxkamadaha oo ka kala dagay Baydhabo iyo Muqdisho. Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo xubno la socda ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, iyadoo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay,.inkastoo Madaxweynaha aanu suxufiyiinta war ka siinin socdaalkiisa. Madaxweynaha Somalia ayaa ka soo qeybgalay kulanka kooxda xiriirka Somalia, iyadoo halkaasi uu ka aqriyay warqad qoraal ah oo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka. Madaxweynaha Somalia ayaa maalmo ku sugnaa dalka Ethiipia ka hor shalay inta aanu soo gaarin magaalada Nairobi, iyadoo Adis ababa uu kula kulmay Ra’isulwasaaraha dalkaasi Males Zeanwi oo ay ka wada hadleen arimaha ciidamo keenista Somalia. Dhinaca kale
wafuudii Maxaakimta islaamka oo uu hogaaminayay ninka Maxkamadaha ugu
qeybsan amuuraha dibadda Prof. Ibraahim caddoow ayaa dib ugu soo laabtay
galabta magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay si weyn ugu soo dhaweeyeen
madaxda maxaakiimta islaamka.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|