|
|||||
| Allgedo News, Sabti , October 21, 2006 | |||||
| Madaxweynaha
Somalia iyo RW Geedi oo xalay ka wada hadlay arimaha Taliyaha ciidamada
Booliska. Madaxweynaha Somalia oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan albaabada u laaban la qaatay Ra’isulwasaaraha Somalia Cali Max’ed Geedi, iyadoo saxaafadda loo diiday in ay wax ka ogaadaan. Laakiin warar ku dhow dhow kulanka ayaa waxa ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isulwasaarihiisa Geedi ay ka wada hadleen arimo dhowr ah o ay ka mid tahay xiisadaha ka taagan magaalada Baydhabo oo ka dhashay imaatinkii taliyaha ciidamada Booliska Gen Cali madoobe oo dadka deegaanka ay u qabteen in uu kaga baxo magaalada Baydhabo muddo 24 saac ah. Gen. Cali Madoobe ayaa waxa ay ku eedeeyeen dadka deegaanka in uu ka dambeeyay amarkii ciidamada booliska lagu siiyay xasuuqii ilaa 7 maleeshiyo daacad u ahaa Saransoor iyo Xaabsade loogu geeystay garoonka Baydhabo horaantii bishii September. Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isulwasaare Geedi ayaa ka wada hadlay sida lagu dajin karo xiisadahaan iyo waliba sida dadka deegaanka loogu qancin karo in cali Madoobe uu sii joogo magaalada Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka ay dalbadeen in Cali Madoobe xilka laga qaado, isagana baxo magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Madaxweynaha Somalia ayaa uga war bixiyay Ra’isulwasaare Geedi arimahii uu kula soo kulmay magaalooyinka Adis-ababa iyo Nairobi.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|