|
|||||
| Allgedo News, Sabti , October 21, 2006 | |||||
| Ciidamada dowladda oo xooga kula wareegay degmada Buur-hakaba oo wali ay ka jirto israsaaseyn. War
deg deg ah Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn si rasmi ah qasaaraha uu geeystay, iyadoo ciidamadda dowladda KMG ah ay wehliyaan sida la sheegay ciidamo Ethiopoian ah ay inta badan la wareegeen degmada Buur-hakaba. Maleeshiyaadkii deegaanka ee taabacsanaa maxaakiimta islaamka Somalia ayaa lagu soo waramayaa in laga fara maroojiyay gacan ku heynta degmada Buur-hakaba, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ku soo riixeen maleeshiyadani dhinaca gobolka Sh/hoose. Ciidamo ka tirsan golaha maxaakiimta islaamka ayaa laga yaabaa in ay u ruuqaansadaan halkaasi si ay u caawiyaan kuwa deegaanka, iyadoo hadii taasi ay dhacdo ay dhici doonto dagaalo lagu hoobto oo saameeya K/Somalia. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Buur-hakaba ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dhufeysyo ka galeen buuraha magaalada, kuwaasi oo aan u muuqan in ay dib kaga laabtaan halkaasi oo au tahay sidii ay u qabsadeen. Duulaanka
ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ku qabsadeen magaalada Buur-hakaba
waxa uu ku soo beegmay xilli shalay uu soo gaaray magaalada Baydhabo Madaxweynaha
dowladda KMG ah ee Somalia.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|