|
|||||
| Allgedo News, Sabti , October 21, 2006 | |||||
| Maxkamadaha islaamka Somalia oo guddi u saaray in aan la isku khilaafin maalinta ciidda.
Iyadoo la hadal hayo in maalinta beri ama saad dambe ay ku beegan tahay
maalinta ciidda ayaa golaha maxaakiimta islaamka waxa ay magacaabeen guddi
ka shaqeeya mideynta maalinta ciidul fidriga Gudoomiyaha golaha fulinta maxaakiimta islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horey u sheegay in ay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed ay hal mar wada ciido.
Bilowgii bisha barakeysan ee Ramadan ayaa inta badan meelaha ay maamulaan
maxkamadaha islaamka hal mar laga wada soomay.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|